21/11/2025
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud oo shir muhiim ah kula qaatay magaalada Nairobi madaxda sare ee Hay’adda UN-Habitat.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Puntland , Mudane Farah Awad ayaa Magaaladda Nairobi kulan miro-dhal ah kula yeeshay madaxda sare ee Hay’adda UN-Habitat ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ka dhacay Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay ee ku taalla magaalada Nairobi.
Wasiirka waxaa kulanka ku weheliyey Duqa Magaalada Boosaaso Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi, iyo Eng. Abdifitah Abdullahi, oo ka socda injineerada wasaaradda, waxaana shirka lagu lafaguray arrimo khuseeya horumarinta magaalooyinka iyo iskaashiga labada dhinac.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray:
■ Xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo UN-Habitat
■ Horumarka waara ee ka socda guud ahaan Puntland
■ Kor u qaadista adeeg bixinta iyo qorsheynta magaalooyinka
■ Taageeridda mashaariicda casriyeynta Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland
Wasiirka ayaa uga mahadceliyey UN-Habitat taageerada ay si joogto ah u siiyaan Puntland, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada shaqaynta lagu horumarinayo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee magaalooyinka Puntland.
--‐-------------------------- DHAMMAAD---------------------------
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA EE WASAARADDA HAWLAHA GUUD GAADIIDKA IYO GURIYEYNTA DAWLADDA PUNTLAND.