23/05/2026
BOOSAASO: 23 MAY 2026: WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL AYAA KU QABATAY HOTEL JAABIR PLAZA, BOOSAASO SHIRKA WADA TASHIGA DIB-U-EEGISTA XEERKA MAALGASHIGA PUNTLAND IYO DIYAARINTA XEERKA SHIRKADAHA, HABRAACA PPP IYO SIYAASADAHOODA.
Shirka ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Dr Ahmed Shire waxaana shirka ku weheliyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga DPL Eng: Cabdisamad Maxamuud Maxamed, Agaasimaha Qorsheynta WGWM Maxamed C/xakiin, Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Bari Faarax Maxamed C/llahi, Gudoomiye ku xigeenka Rugta ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Waaberi, qaar ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka degmada Boosaso, ganacsatada iyo bulshada rayidka.
Shirka ayaa ujeedkiisu waxa uu ahaa wada tashiga dib-u-eegista xeerka maalgashiga Puntland iyo diyaarinta xeerka shirkadaha, habraaca PPP iyo siyaasadahooda.
Wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha iyo Maalgashiga DPL waxa ay u mahadcelinaysaa Hayadda EU-TAPF (Technical assistance and partnership facility) oo shirka farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba u taageertay.
-DHAMMAAD-
XAFIISKA WARFAAFINTA WASAARADDA GANACSIGA, WARSHADAHA IYO MAALGASHIGA DPL.