Xisbiga Ifiye

Xisbiga Ifiye Xisbigu wuxu aaminsanyahay in nidaam wadatashi oo sal balaarani udub dhexaad u noqdo Dowladnimada.

War murtiyeedka Rasmiga ah ee xisbiga ifiye
14/01/2026

War murtiyeedka Rasmiga ah ee xisbiga ifiye

Xisbiga Ifiye wuxuu codkiisa ku biirinayaa dhaqdhaqaaqa  shacabka Boosaaso ay ku dalbanayaan helitaanka Koronto Jaban oo...
14/08/2025

Xisbiga Ifiye wuxuu codkiisa ku biirinayaa dhaqdhaqaaqa shacabka Boosaaso ay ku dalbanayaan helitaanka Koronto Jaban oo leh Qorshe cad oo muddaysan.

Xiligan adag ee uu dalku ku jir , Shacabka Puntland waxa mudnaanta kowaad u leh helitaanka biyo nadiif ah oo jaban, Koronto joogta ah oo jaban, jidad hagaagsan iyo shaqo abuurista dhalinyarada

Xukumadda Puntland hay’adaheeda shaqada ku leh ayaa laga doonayaa in ay adeegyada aas aasiga ah ee shacabka Puntland ay wax ka qabtaan si ficil ah oo qorshe cad leh.

Baraarugga bulshada Puntland ay ku doonayaan adeegyadda ay xaqa u leeyiihiin waa horumar iyo isla xisaabtan la doonayo in la joogteeyo, Xisbiga ifiye na hormuud ugu noqon doono

Mahadsanid

Guul iyo gobanimo

Iyadoo laga duulayo dardargalinta howlaha shaqo ee xisbiga iyo diyaargarowga shirweynaha xisbiga,  Xisbigu casuumaad u d...
05/07/2025

Iyadoo laga duulayo dardargalinta howlaha shaqo ee xisbiga iyo diyaargarowga shirweynaha xisbiga, Xisbigu casuumaad u dirayaa dhamaan xubnaha Golaha Dhexe ee xibiga in ay u diyaar garooban kulanka hoos ku qoran.

Arimaha farsamada waxaa idin la soo xiriiri doona howlwadeenada xisbiga si gaar ah.

Bayaan kasoo baxay Hogaanka sare Xisbiga Ifiye ku aadan ka qaybgalka Shirka Mogdishu
16/06/2025

Bayaan kasoo baxay Hogaanka sare Xisbiga Ifiye ku aadan ka qaybgalka Shirka Mogdishu

CIID WANAAGSANCiid wanaagsan dhammaan ummadda muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku kala nool, si gaar ah waxa aan tahn...
06/06/2025

CIID WANAAGSAN

Ciid wanaagsan dhammaan ummadda muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku kala nool, si gaar ah waxa aan tahniyadda Ciidul-adxada ula wagaagaynaa Shacabka soomaaliyeed meel kasta oo ay ku sugan yihiin.

Munaasibaddan farxadda Ciidul-adxada darteed waxa aan bulshada ku boorinaynaa in qofkasta uu gacan ka geysto farxad gelinta danyarta iyo masaakiinta, si aynu u wada dareeno dhammaanteen farxadda maalintan qiimaha weyn inagu wada leh.

Ugu dambayn, waxan Eebbe ka baryaynaa in uu Inaga Aqbalo Acmaasha wanaagsan, Sanadka sanadadiisa kalena inagu gaarsiiyo nabad, xasillooni iyo Horumar.

Aamiin

11/04/2025

Aqoon iyo Adeeg Bulsho.

Xildhibaan Cawad oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag kana soo baxay Xisbiga Ifiye ayaa si daacadnimo leh ugu adeegey bulshadii dooratay. Waxqabadkiisu waxaa kamid ah:

1. Kor u qaadista wacyiga bulshada
2. Xalinta khilaafaadka deegaanka uu kasoo baxay ee Hadaaftimo
3. Dhismaha Guddiga Magaalada Hadaaftimo
4. Ka qayb qaadashada Qaaraanka Hawlgalka Hilaac ee Puntland iyo Milxo.

Tani waa tallaabo cad oo muujinaysa mas'uuliyad, hufnaan iyo hoggaan dhab ah.

Hambalyo Hambalyo.Wuxu Xisbiga Ifiye hambalyo u dirayaa dhammaad muslimiinta, shacabka Soomaliyeed gaar ahaan reer Puntl...
29/03/2025

Hambalyo Hambalyo.

Wuxu Xisbiga Ifiye hambalyo u dirayaa dhammaad muslimiinta, shacabka Soomaliyeed gaar ahaan reer Puntland, farxada munaasabada ciidul al-fitriga.

Wuxu Xisbigu u rajaynayaa shacabka soomaaliyeed iney nabad ku ciidaan.

———Dhamaad——-

   Wuxu Xisbiga Ifiye ugu hambalyeynayaa ummadda Islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed bilashada Bisha Ramadan ee bar...
28/02/2025


Wuxu Xisbiga Ifiye ugu hambalyeynayaa ummadda Islaamka gaar ahaan ummadda Soomaaliyeed bilashada Bisha Ramadan ee barakeysan. 1446/2025.

Wuxu U rajaynaynayaa Soonqaadka caafimaad iyo Cibaado suubban.

— 𝑫𝒉𝒂𝒎𝒎𝒂𝒂𝒅 —

28/11/2024

𝑮𝒂𝒓𝒐𝒐𝒘𝒆 28 November, 2024, Wuxu Xisbiga IFIYE Hambalyo u dirayaa 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 Guddiga Doorashooyinka Puntland oo Maanta la doortay Guddoomiye Mudane Ahmed Mohamoud Omar Iyo Guddoomiye Kuxigeenka cusub mudane Cabdinuur Sheekh Maxamed Isxaaq.

Wuxu Xisbigu u rajaynayaa inuu noqdo mid ku guulaysta Geeddi socodka Nidaamka Doorashooyinka Puntland.

Wuxu Ilaahay uga baryayaa inuu xilka Ku guuleeyo Gudoonka Guddiga PEC.

DHAMAAD

Go,aanka Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee Dhismaha Golaha Deegaanka 3da Degmo ee Gobolka Nugaal
30/09/2024

Go,aanka Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee Dhismaha Golaha Deegaanka 3da Degmo ee Gobolka Nugaal

𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐖𝐄, 02 Aug,2024;Madaxda Xisbiga   ayaa hadhimo sharafeed ugu sameeyey beerta Arlo Park Garoowe hawl wadeenadii xisb...
02/08/2024

𝐆𝐀𝐑𝐎𝐎𝐖𝐄, 02 Aug,2024;Madaxda Xisbiga ayaa hadhimo sharafeed ugu sameeyey beerta Arlo Park Garoowe hawl wadeenadii xisbiga, xildhibaanadii Golaha Deegaanka Xisbiga ee Garoowe iyo Xubnihii ka tartamay Doorashadii Garoowe dhowaan ka dhacday.

Kulanka waxa loogu mahadceliyey Hawl wadeenadii xisbiga, waxana laga wada hadlay sidii xiriirka Xubnaha xisbiga heer walba loo sii xoojin lahaa.

Kulanka waxa loogu duceeyey xidhibaanada G/D cusub, waxana lagula dardaarmay iney Bulshada ugu shaqeeyaan aqoontooda, si wanaagsanna ugu adeegaan.

wuxuu Xisbiga Ifiye ugu hambalyeynayaa dadka Puntland sannad guurada 26aad ee kasoo wareegtey asaaska dawladda Puntland ...
01/08/2024

wuxuu Xisbiga Ifiye ugu hambalyeynayaa dadka Puntland sannad guurada 26aad ee kasoo wareegtey asaaska dawladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Wuxu Xisbigu ku Bogaadinaynaa Halgankii iyo dedaalkii Shacabka Puntland ku yagleeleen Maamulkooda, ugana qayb qaateen Dowlad dhiska soomaaliya. Sidoo kale wuxu bogaadinayaa sida shacabku u dooneen xaqoodii dastuuriga ahaa ee Iney iyagu doortaan cidda ku meteleysa Golayaasha Dowladda.

wuxu Xisbigu u rajaynayaa shacabka Puntland iyo kuwa Soomaaliyeedba Nabad, Midnimo, Horumar iyo Dowladnimo waarta.

Address

Garowe
2525

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Ifiye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Ifiye:

Share