31/05/2026
Warbaahinta Itoobiya ayaa si weyn u hadal haysa doorashada berri ka dhacaysa dalkaas, iyadoo telefishinnada iyo wargeysyada ay shacabka ugu baaqayaan inay si nabad ah codkooda u dhiibtaan.
Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ka badan 50 milyan oo qof ay isu diiwaangeliyeen doorashada, halka 547 kursi loo tartamayo Baarlamaanka Federaalka Itoobiya.
Telefishinka dowladda Itoobiya ee EBC ayaa maanta baahiyay fariimo leh “Codkaaga waa awooddaada”, iyadoo malaayiin qof lagu dhiirrigelinayo inay berri ka qeyb galaan codbixinta guud ee dalka.
Warbaahinta kale ee Itoobiya sida The Reporter Ethiopia ayaa sheegtay in goobaha codbixinta iyo qalabka doorashada la diyaariyay.