01/06/2026
⚠️ DIGNIIN KU SOCOTA DARAWALLADA GAADIIDKA
Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA) waxay ogeysiinaysaa dhammaan darawallada iyo isticmaalayaasha waddooyinka in roobabka ka da’aya deegaannada Puntland ay sababeen biyo xooggan oo ku soo rogmaday togagga Buraan iyo Ceeldaahir, kuwaas oo khatar weyn ku ah isu-socodka gaadiidka.
Hay’addu waxay si adag ugu digaysaa darawallada in aysan isku dayin inay ka gudbaan ama jaraan togagga ay biyuhu marayaan, maadaama arrintaasi khatar gelin karto nafta dadka, gaadiidka, iyo hantidaba. Waxaa h**e u dhacay shilal iyo gaadiid ay biyuhu qaadeen sababo la xiriira taxaddar la’aan.
Sidoo kale, inta lagu jiro xilliga roobabka, darawallada waxaa laga codsanayaa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, yareeyaan xawaaraha, raacaan tilmaamaha amniga waddooyinka, isla markaana sugtaan inta biyuhu ka yaraadaan ka hor inta aysan marin meelaha khatarta ah.
Darawal kasta oo si ula kac ah u khatar geliya naftiisa, rakaabka, ama gaadiidka isaga oo jebinaya digniinaha iyo tilmaamaha amniga, waxaa loo aqoonsan doonaa qof aan masuuliyad muujinayn, waxaana laga qaadi karaa tallaabooyin sharci iyo maamul oo ay ku jirto laalidda ama kala noqoshada rukhsadda darawalnimada.
Badbaadadaadu waa masuuliyaddaada. Ha gelin naftaada iyo tan dadka kale khatar aan loo baahnayn.
Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA)