Abdirizak Mohamed Hayir

Abdirizak Mohamed Hayir Deputy CEO of Puntland Highway Authority (PHA).

Jumce wanaagsanWaxaan jidka ku kulanay dhalinyaradii socdaalaysay ee GARAAD SAHAN iyo Bukhaari Ahmed, kaftan iyo sheeko ...
24/04/2026

Jumce wanaagsan

Waxaan jidka ku kulanay dhalinyaradii socdaalaysay ee GARAAD SAHAN iyo Bukhaari Ahmed, kaftan iyo sheeko gaaban kadib waxaan ku kala tagnay in dhalinyaradu hormuud u noqoto hormarka waddanka, nabadda iyo isku xidhnaanta bulshada.

Waxaan u rajaynayaa inta dhiman safarkooda Ina sahal iyo Nabad ku dhammaystaan.

01/04/2026

🚧 Fariin Wacyigelin Ah – Hay’adda Waddooyinka Puntland 🚧

Hay’adda Waddooyinka Puntland waxay fariin muhiim ah la wadaagaysaa dhammaan shacabka isticmaala waddooyinka laamiga ah iyo kuwa xagaafka ah, gaar ahaan xilliyada roobaadka.

🌧️ Darawalku waa inuu taxaddaraa – Mas’uuliyadda naftaada iyo hantida dadkaba adiga ayay ku saaran tahay.
đźš— Ku wad si feejigan, xawaare hoose leh, oo la jaanqaadaya xaaladda waddada.
⚠️ Ka fogow meelaha ay biyuhu ku soo fataheen, gaar ahaan togagga iyo meelaha ay daadadku maraan.
â›” Haddii aad aragto biyo kusoo dhaafay waddada, jooji safarkaaga ilaa ay xaaladdu ka hagaagayso.

🚨 Ogeysiis Muhiim Ah:
Hay’adda Waddooyinka Puntland waxay heegan galisay team-keeda gurmadka. Haddii aad aragto waddo go’day ama dhibaato jirto, fadlan nala soo wadaag si degdeg ah, muwaadin.

Badbaadadu waa mudnaanta koowaad. Ka taxaddar si aad u badbaadiso naftaada iyo kuwa kale.

19/03/2026
Waxaan u hambalyaynayaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood oo maanta lagu caleema saarey magaalada Gald...
08/02/2026

Waxaan u hambalyaynayaa Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed Ugaas Cali-geesood oo maanta lagu caleema saarey magaalada Galdogob kuna soo biirey dhaqanka Puntland.

Waxaan alle uga baryayaa inuu u fududeeyo mas'uuliyadda culus ee u qaaday ummadda dooratay iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed.

Si lamid ah wuxuu ka mudanyahay inta dooratay iyo cidkastoo Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan, soo dhaweeyaan, gacana ku siiyaa gudashada waajibaadka saaran.

Hogaanka dhaqanku Soomaaliyeed wuxuu door muhiim ah ka qaataa isku haynta shacabka iyo xalinta mashaakilaadka bulshada.

Soo dhawoow ugaas markale

Waxaan xalay ka qaybglay munaasabadda Qalinjabinta 7aad ee Ardayda dhammaysay heerka 2aad ee waxbarashada sare ee ay bix...
06/02/2026

Waxaan xalay ka qaybglay munaasabadda Qalinjabinta 7aad ee Ardayda dhammaysay heerka 2aad ee waxbarashada sare ee ay bixiso Jaamacadda oo ay martigaliso jaamacadda .

Dhammaan ardayda Aflaxday Hambalyo iyo bogaadin ayaan u dirayaa, waxaana kula dar-daarmayaa in aqoonta ay heleen uga faa’iideeyaan dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

120 Arday inay fursad waxbarasho ku helaan iyagoo jooga dalkooda waxna la bartaan arday ku nool dalal shisheeye wax sahlan maaha, waa juhdi ku yimid, dedaal, dhabar adayg iyo ka go’naasho ku dhisan iskaashi bulsho iyo dowlad.

waa aas-aaska Nolosha, waa waxa kaliya ee dad iyo dalba lagu hormariyo.

Puntland waxyaabaha ay ku horayso waa aqoonta iyo in mujtamaca ku nool uu helay dhammaan wixiinu fududeyn lahaa hayaankiisa waxbarasho, waana wax loogu mahadnaqo alle subxaanahu watacaala.

Guul iyo hormar waar ayaan u rajaynayaa guud ahaam inta qalin jabisay iyo waalidka/ehelka ku tacabtay.

Waxaan maanta ka qaybglay Daahfurka Qorshaha 4aad ee horumarinta Dowladda Puntland (2026-2030), kaasi oo si cilmiyeeysan...
20/01/2026

Waxaan maanta ka qaybglay Daahfurka Qorshaha 4aad ee horumarinta Dowladda Puntland (2026-2030), kaasi oo si cilmiyeeysan loogu soo bandhigay faahfaahinta qorsheyaasha horumarin ee Puntland u yaalla 5-sano ee soo socota.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoorr, ayaa maanta daah-furay Shirka lagu faafinayay qorshahan oo ay kasoo qaubgaleen safiirrada waddamada caalamka qaybtood, golayaasha Dowladda, hay’addaha Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, NGO-yada caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah.

Wasaaradda qorsheynta ayaa faahfaahisay 5-ta Tiir ee ugu muhiimsan qorshaha horumarinta 4-aad ee Dowladda Puntland kuwaasi oo kala ah : -

1. Tiirka Siyaasadda loo dhanyahay & Dowlad wanaagga

2. Tiirka Sinaanta caddaaladda, dib u habaynta amaanka iyo sareynta sharciga

3. Tiirka Horumarinta dhaqaalaha,

4. Horumarinta Bulshada,

5. Illaalinta deegaanka iyo Isbedelka cimilada.

18/12/2025

Waxaan Kormeer Shaqo ku tagy Dayatir ay Hay'adda Waddooyinka Puntland ku samaysay 4ka mid ah Celverts Burbur soo gadhay inta u dhaxaysa Kala-bayr iyo Xaar-xaar.

Dayactirka ayaa iskugu jiray in la bedelo Shubka Calvet-gu ku Fadhiyo iyo Hagaajinta Caratuurka difaaca u ah.

Dhinaca kale shaqadan waxaa barbar socda buuxinta iyo simitaanka gododka waaweyn ee ka samaysmay wadada isku xirta Xaar-xaar ilaa Kalabayr.

Waddadaan ayaa ku Jirta qorshayaasha Hay'aadu dib u dhiska ugu samaynayso laamiga dheer ee isku xira gobollada Puntland.

Waxaan maanta magaalada Garowe kaga qaybgalay kulan watashi ah oo u dhaxeeyay hay’adaha Dowladda iyo hay’adda WFP.Shirka...
09/12/2025

Waxaan maanta magaalada Garowe kaga qaybgalay kulan watashi ah oo u dhaxeeyay hay’adaha Dowladda iyo hay’adda WFP.

Shirka waxaa looga arrinsanahay qorshaha WFP Somalia (2026-2030) iyo iswaafajinta qorshaha guud ee Puntland (Puntland Five Year plan 4).

‎Kulanka waxaa furay wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle, waxaana ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, Ubax Cabdirashiid, agaasimayaasha Wasaaradaha iyo khuburo ka socotay dowladda.

Site Inspection of the Galkacyo–Bacaadweyne Road construction Project.
07/12/2025

Site Inspection of the Galkacyo–Bacaadweyne Road construction Project.

01/12/2025

Address

Garowe

Telephone

+252906794810

Website

https://pha.pl.so/page-bio-abdirizak-hayir

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirizak Mohamed Hayir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdirizak Mohamed Hayir:

Share