02/11/2024
"Labada maamul ee geesaha naga jira midna ma rabno" "horgalayaasha puntland jooga" inta lascanod iyo buuhodle laga leeyahay ninkii Majeerteen ee dhulkaas kudhinta, ey bakhtiyay waxba madhaamo. Waayo nin cadawgii 8 bilood gumaadayay iyo Puntland usimanyihiin oo Dhulbahantaha Puntland kujira "horgalayaal" uyaqaan waxaad ugu hagar baxdaa waa doqonimo.$200 million oo dollar lacag ku dhow hadaysan ka badnayn baa Puntland uga baxday xoraynta Sool iyo dhiig badan haddana maalinkasta xuduudeenu waa yoocada iyo puntland waa inaan weerarnaa baa laysugu sheekeeya markii xooga la nafisay! Haddaba PL inay bixiso dhawr boqol oo tikniko ah shidaalkooda, rasaastooda iyo mushaarka ciidanka furinta sallinta iyo tan Cayn kujiraba qaybo kamid ah waa larabaa oo yaan lajoojin bay garaadadu hoos ka leeyihiin laakiin markii Puntland ay wasiir ama agaasime waaxeed umagacawdo goob Sool kamid ah afkaa qaylo lagu shubanayaa! Harti wax ladhaho oo isku siyaasad, maamul, iyo ciidan ahi majire nin walba haysku tashto. Majertenow waligiin Harti inaa wax tartaan mooye idinka wax idinma tarine qiira jabaanka joojiya oo Puntlander'nimada ku saleeya hiilkiina iyo hoodiina haddii kale ciirtiina dhamaa caydiina yaqaan bay ku soconaysa. Waligeed meel Harti midaysan isugu yimid dagaalkii lascanod lagu xoreeyay kahor madhicin, mid dib dambe udhacaysana uma eka markaan fiirino sida xaalku yahay ee lookala fogaaday! Halmar baa.Majerten uhabar wacday Harti waxayna ahayd markii ay rajiimkii afweyne xasuuqiisa iyo xiristiisa iska difaacayeen jawaabtay heleenna waxay noqotay "aabe siyad hanoolaado"1991 USC oo Hawiye oo dhan iyo dir wada socota ah markay mudug soo weerartay, itixaadna Bari iyo nugaal soo weeraray Dhulbahante inuu MJ usoo gurmado iskadaaye Jaamac siyaad oo iidoor/snm oo dhammi isusoo bahaysatay weerarna kuhayaan bay ku eegteen oo qaarkood "madareemin"kula bexeen, waana waxyaabihii sababay in jamac siyad iidoor isku dhiibo oo shirkii Burco 1991 tago. Warsangeli iyaguna tillaabo masoo qaadin, war iyo dhammaanti Majeertenow hurdada katoosa!