Xisbiga Sincad

Xisbiga Sincad SINCAD POLITICAL PARTY Urur Siyaasadeedka Cadaaladda iyo Sinnaanta (Sincad) waa mid kamid ah ururada siyaasadda ee ka dhisan dawladda Puntland.

Waxa uu ururku u dhisan yahay ka shaqaynta horumarka bulshada reer Puntland, iyo u adeegistooda sidii ay dunida ula janqaadi lahaayeen.

27/05/2026

27 May | Jowhar

Dawo qudbaddii daahfurka Xoghayaha Guud ee Xisbiga SINCAD, Mudane Abdifatah Hassan Afrah, munaasabaddii furitaanka xarunta xisbiga ee magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabeelle.

27 May | JowharWaxaa si rasmi ah shalay magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabeelle, looga daahfuray Xisbiga SINCAD, iyado...
27/05/2026

27 May | Jowhar

Waxaa si rasmi ah shalay magaalada Jowhar, caasimadda Hirshabeelle, looga daahfuray Xisbiga SINCAD, iyadoo munaasabadda uu hoggaaminayay Xoghayaha Guud ee Xisbiga SINCAD, Abdifatah Hassan Afrah.

Daahfurka munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay odayaasha dhaqanka, haweenka, dhalinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, kuwaas oo muujiyay taageeradooda iyo sida ay ugu heelan yihiin ka qeyb qaadashada geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.

Munaasabaddu waxay ahayd mid si weyn loo soo agaasimay, isla markaana muujisay koboca iyo taageerada sii kordheysa ee Xisbiga SINCAD gudaha magaalada Jowhar.

26/05/2026

Jowhar | 26 May 2026

Galabta magaalada Jowhar waxaa si weyn uga muuqda ololaha iyo taageerada Xisbiga SINCAD, iyadoo shacabka ay si diirran usoo dhaweynayaan Xoghayaha Guud ee Xisbiga Abdifatah Hassan Afrah.

Madaxda sare iyo maamulka xisbigga SINCAD waxay munaasabada ciidul-Carafa la wadaagayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed m...
26/05/2026

Madaxda sare iyo maamulka xisbigga SINCAD waxay munaasabada ciidul-Carafa la wadaagayaan dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, gaar ahaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbigga.

كل عام وانت بخير.

25 May 2026 — CaabudwaaqHowlwadeennada, wakiillada, iyo xubnaha Urur Siyaasadeedka SINCAD ee degmada Caabudwaaq ayaa wad...
25/05/2026

25 May 2026 — Caabudwaaq

Howlwadeennada, wakiillada, iyo xubnaha Urur Siyaasadeedka SINCAD ee degmada Caabudwaaq ayaa wada kulamo joogto ah oo ay la leeyihiin qeybaha kala duwan ee bulshada.

Taageerada bulshada ayaa muujinaysa kalsoonida sii xoogeysanaysa ee lagu qabo ururka iyo rajada laga qabo doorashooyinka soo socda.

24/05/2026

Jowhar: 24 May 2026

Xoghayaha Guud ee Xisbiga SINCAD, Abdifatah Hassan Afrah ayaa bulshada caasimadda Jowhar ku dhiirrigeliyay inay si weyn uga qeyb qaataan doorashooyinka socda.

Jawhar:  24 May 2026Xoghayaha Guud ee xisbiga SINCAD, Abdifatah Hassan Afrah ayaa xalay bulshada caasimadda Jowhar la qa...
24/05/2026

Jawhar: 24 May 2026

Xoghayaha Guud ee xisbiga SINCAD, Abdifatah Hassan Afrah ayaa xalay bulshada caasimadda Jowhar la qaatay kulan is xog-wareysi ah, isagoo si dhow kulamo ula qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada.

Sidoo kale, Xoghayaha ayaa qaabilay qaar kamid ah dhalinyarada haldoorka ah ee magaalada Jowhar, iyadoo kulankaasi diiradda lagu saaray dardargelinta doorashada, taageeridda Xisbiga SINCAD iyo sidii dhalinyarada ay door muuqda uga qaadan lahaayeen ololaha iyo guusha xisbiga.

22/05/2026

Halkaan ka daawo habka fudud ee aad isaga diiwaan-gelin karto Xisbiga Sincad. Qofkasta oo ugu yaraan 3kun oo qof diiwaangeliya wuxuu hellayaa abaal-marin gaari, qofkii diiwaan-geliya ugu yaraa 1500 oo qof wuxuu helayaa Laptop. qofkii diiwaangeliya ugu yaraan 1000 wuxuu hellayaa Iphone17 Promax.

Laascaanood, Waqooyi Bari SoomaaliyaUrur-siyaasadeedka SINCAD ayaa magaalada Laascaanood ku yeeshay kulan muhiim ah oo a...
20/05/2026

Laascaanood, Waqooyi Bari Soomaaliya

Urur-siyaasadeedka SINCAD ayaa magaalada Laascaanood ku yeeshay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hoggaanka heer dowlad-goboleed, kan Gobolka Sool, kan Degmada Laascaanood, iyo hawl-wadeennada ururka.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta hawlaha ururka, mideynta awoodda iyo dadaallada ururka, adkaynta wada-shaqeynta, iyo dardargelinta hawlaha hortebinta leh.

Urur-siyaasadeedka SINCAD wuxuu sii xoojinayaa abaabulka bulshada iyo dadaallada siyaasadeed ee ku dhisan caddaalada iyo sinaanta.

19/05/2026

Xisbigga SINCAD oo shaaciyay barnaamijka diiwaangelinta xubnaha xisbigga.

Xisbiga SINCAD oo daahfuray barnaamijka diiwaan-gelinta xubnaha xisbiga, sidoo kalena ku dhawaaqay Abaal-marino.Gudoomiy...
19/05/2026

Xisbiga SINCAD oo daahfuray barnaamijka diiwaan-gelinta xubnaha xisbiga, sidoo kalena ku dhawaaqay Abaal-marino.

Gudoomiyaha xisbiga SINCAD Eng Maxamuud Khaliif Jabiye, oo uu weheliyo xoghayaha guud ee xisbiga Cabdifataax Xasan Afrax, Xiriiryaha xisbiiga ee gobolada Axmed Saney, Gudoomiyaha degmada Waaberi Muqdisho, Madaxda garabyada iyo qaar ka mid ah xubnaha golayaasha degmooyinka caasimada Muqdisho ayaa xafiiska Xisbiga ee Muqdisho ka daah-furay barnaamijka diiwaangelinta xubnaha xisbiga SINCAD ee guud ahaan Soomaaliya.

Barnaamijkaan ayaa ujeedkiisu yahay in dhamaan xubnaha xisbiga meelkasta oo ay jooggaan ay hellaan xubinimada rasmiga ah ee ururka, sidoo kalena ay la socdaan dhamaan shaqooyinka iyo macluumaadka ku saabsan xisbiga. Barnaamijkaan ayaa ah mid ku dhisan technology-da casrigg ah, waxayna dhamaan xubnaha isku diiwaan-gelinayaan hab Online ah.

Madaxda Xisbigga SINCAD ayaa ku dhawaaqday Abaal marinadaan:

1: Kaalinta 1aad waxaa laga rabaa ugu yaraan 3,000 oo qof inuu diiwaan geliyo uguna cod bato tartamayaasha “Abaal marintiisu waa Gaari”.

2: Kaalinta 2aad waxaa laga rabaa ugu yaraan 2,000 oo qof inuu diiwan galiyo uguna cod bato tartamayaasha “Abaal marintiisu waa Laptop Macbook ah”.

3: Kaalinta 3aad waxaa laga rabaa ugu yaraan 1,000 qof inuu diiwaan galiyo uguna cod bato tartamayaasha. “Abaal marintiisu waa I phone 17 pro max”.

Qofkasta marka uu isdiiwaan-geliyo Linkgiisa ha copy garaysto si dadka aad ugu dirto diiwaan gelintooda adiga laguugu xisaabiyo.

Linkiga diiwaangelinta.

Barnaamijku wuxuu bilaabanaya 20-5-2026 wuxuu dhamaanayaa 30-6-2026.

https://sincadparty.com/register?ref=B02C74C2

Address

Garowe, Halgan/spaghty-road
Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Telephone

+252907546200

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Sincad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xisbiga Sincad:

Share