Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024

Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024 "HANGOOL & HARUUB LA WADAAGO"

Puntland ma kusii socon doontaa haadaanta weyn ee ay maalinba kusii durkaysay 24kii sano ee la soo dhaafay, mise waa la ...
21/12/2023

Puntland ma kusii socon doontaa haadaanta weyn ee ay maalinba kusii durkaysay 24kii sano ee la soo dhaafay, mise waa la badbaadin doonaa 2024, oo jid iyo jiho cusub ayay u socdaali doontaa?!

Abshir Cumar Huruuse wuxuu olole xooggan ugu jiraa sidii uu jidkii reer Puntland ku kala irdhoobeen halkiisii ugasii ambaqaadi lahaa.

BAYAANUgu horrayn, Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024 waxa ay ka tacsiyaynaysaa xasuuqa maamulka Soomaalidiidk...
30/12/2022

BAYAAN

Ugu horrayn, Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024 waxa ay ka tacsiyaynaysaa xasuuqa maamulka Soomaalidiidka ah uu ku hayo Shacabka Laascaanood iyo guud ahaan SSC.

Intaas kadib, waxaa nasiib darro ah in ninka hoggaamiya maamulka talada Puntland gacanta ku haya maanta uu dhiiggii Shacabkiisa ee daadanayay ee isagu uu dayacay uu caawa kagasoo jawaabo:

(Waxaan maamulka Somaliland ka codsanaynaa inay ka waantoobaan ficilada guracan ee loo samaynayo in lagu cabudhiyo ama lagu xukumo dad usoo halgamay welina u dhimanaya jiritaanka iyo midnimada ummada Soomaaliyeed.)

Waxaan ugu baaqaynaa odayaal dhaqameedka, culimada, ganacsatada iyo cid walba oo dareen damqada leh in ay qayb ka noqdaan halganka Xoraynta SSC.

- Xarbaa lagu kasbaa gobonnimiyo hawl xanuun badane.

X. Aadan Af-qallooc AHU.

27/12/2022

Baadi kugu Raagtay Xoolahaagaad Mooddaa!
_________

Nidaamka siyaasadeed ee Puntland, intii ay jirtay waxa gundhig u ahaa oday dhaqameed. Laakiin amaamudkii Puntland waxaa lagu qeexay 1998kii in 3-sano gudahood lagu gaaro nidaam bulshadu awoodda yeelan doonto.

Dhanka kale, Dastuurka Puntland qaybtiisa saddexaad, qodobka 46aad, lambarka 1aad, waxa uu qeexayaa [in dowladda Puntland lagaga dhaqmayo nidaamka xisbiyada badan].

24-sano kadib asaaskii Puntland, maanta – 2022 - waxaa deegaannada Puntland taal isbaaro maafiyeed oo koox malabka geligeed dhuuqi jirtay 24 sano ay rabto in ay mar kale afduubato masiirka bulshada Puntland iyo xuquuqdooda.

Waxaa xusid mudan in dhammaadkii 2012kii, uu madaxweynihii xilligaas joogay ee Faroole isku dayay in uu nidaamkaas hirgeliyo, balse sida maanta uu duurka ugu jiro XASAN SHIRE ABGAAL, waxaa xilligaas isbaaro u dhigtay hirgelinta nidaamkaas wiil u arkayay in TARIHIISII lagu haysto.

Haddaba aaway BULSHADII REER PUNTLAND ee heshiiska gaartay 1998kii oo ood-wadaagta, iyo dhalasho-wadaagta ahayd?! Qoysas gaad ah ayaa loogu danaynayay dhismihii Puntland?

Soomaalidu waxay tidhaahdaa (Baadi kugu raagtay xoolahaagaad mooddaa), markii dadkii reer Puntland loo kala qaybiyay; qayb HANGOOLKA ku garba-beeshay iyo qayb HARUUBKA caanaha ka cabta, ka dib markii koox yar oo jeeb-wadaag ah ay xukunkii ka dhigteen tookaysi iyo tare-tare, ka dib markii koox dhiigmiirato ah ay hantidii iyo xoolihii reer Puntland ka dhigteen hantidoodii gaarka ahayd; ayay ugu danbayn u maleeyeen in ay baadidaas iyagu leeyihiin.

Weydiintu waxa ay tahay: Puntland ma kusii socon doontaa haadaanta weyn ee ay maalinba kusii durkaysay 24kii sano ee la soo dhaafay, mise waa la badbaadin doonaa 2024, oo jid iyo jiho cusub ayay u socdaali doontaa?!

WAR-SAXAAFADEED:Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland – 2024,  waa madal ay midaysan waxgarad iyo aqoonyahan ka mid ah d...
10/12/2022

WAR-SAXAAFADEED:

Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland – 2024, waa madal ay midaysan waxgarad iyo aqoonyahan ka mid ah dadka reer Puntland. Madashaan ayaa fadhigeeda 1aad yahay magaalada Garoowe, ee caasimadda Dowladda Puntland.

Madasha waxaa lagu asaasay talo iyo turaale ku aaddan badbaadinta Puntland kadib marka ay lasoo derseen Dowladda Puntland:

1. Waaqac siyaasadeed ee cakirnaa: Tan iyo markii xukuumadda hadda joogta ee Deni hoggaaminayo ay ku fashilantay astaamaha aasaaska u ah ku dhaqanka dowlad wanaagga, dhiigna ay daadisay bilowgii xukunkeeda.
2. Baqdin laga qabo burbur iyo colaado sokeeye oo Puntland ka qarxa: Dad badan ayaa qaba in soo laabashada waxa loogu yeeray taraha mar kale aysan ifafaalo wanaagsan sheegayn. Iyada oo la eegaayo siyaasaddiisii ku dhisnayd adigu hangool hay, aniguna haruubka ayaan ag joogayaa.
3. Xiisadda qabiil oo sii kordheysa: Intii uu talada dalka hayay Deni, waxaa sii xoogeystay isqabqabsiga beelaha iyo xurgufta, gaar ahaan kuwa deggan Nugaal iyo Mudug. Ka dib markii isu dheelli tirnaan la’aani ay ragaadisay hannaankii awood qaybsiga.
4. Faragelinta iyo dhul-boobka maamulka Somaliland: Waxgaradka Puntland waxay u arkaan faragelinta lagu hayo dhulkii Dastuuriga ahaa ee reer puntland mid ay raalli ka ahaayeen xukuumadihii isdaba-joogga ahaa ee Puntland ka curtay dhowr iyo tobankii sano ee ugu dambeeyay. Waxay walaac xooggan ka qabaan waxgaradku; kala dhantaalmidda midnimadii dadkii walaalaha ahaa ee reer Puntland ee dadka iyo dhulka isku darsaday.
5. Jaahwareerka xiriirka Dowladda Federaalka iyo Dowladda Puntland: lagasoo bilaabo (2009) waxaa Puntland ay ka leexatay majarihii aasaaskeeda, waxayna qaadday waddo mugdi ah oo dano shaqsiyaad ku dhammaata. Sidoo kale, waxaa cirka isku sii shareeray khilaafyada u dhaxeeya dowladda Puntland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, taasoo ka dhalatay maslaxad raadinta qoyska iyo qofka ku dhisan ee Deni ku hoggaaminayo Puntland.

Ugu dambayn, Madasha, oo ka duulaysa qodobbada aan kor ku soo xusnay iyo sababo isbiirsaday ayaa ka qeyb qaatay aasaaska madashaan. Madasha ayaa u taagan midowga dadka reer Puntland ee lexejecladu ka hayso jiritaanka Puntland iyo badbaadadeeda.

Dhammaad…

WAR-SAXAAFADEEDKA 1AAD:
10/12/2022

WAR-SAXAAFADEEDKA 1AAD:

Address

Islaan Ciise Street
Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024 posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Madasha Isbeddeldoonka Dadka Puntland - 2024:

Share