Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland

Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland, Government Organization, Garowe.

Puntland Energy development Agency (PEDA) is the Puntland government agency
responsible for all aspects of the Energy sector, including the responsibilities of electricity regulations, issuing licenses and incentives for domestic and foreign
investments.

Garoowe: Sept 02, 2026: Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, mudan...
05/09/2026

Garoowe: Sept 02, 2026: Kusimaha Wasiirka ahna Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Puntland, mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax oo uu weheliyo Kusimaha Agaasimaha Guud mudane Saadiq Maxamuud Maxamed, ayaa kormeer shaqo ku tegey Wakaaladda Horumarinta Tamarta ee Puntland.

Maareeyaha Guud ee wakaalada maxamed Abshir Muuse oo uu weheliyo maareeye ku xigeenka wakaalada ayaa si diirran xafiiska ugu soo dhoweeyey madaxda wasaaradda, waxa ayna warbixin ka siiyeeen shaqooyinka ay wakaaladdu hayso, qorshayaasha mudnaanta u leh iyo caqabadaha jira.

Wakaalada oo bulshada shaqo weyn u haysa ayaa Madaxda wasaaradda iyo wakaaladdu ugu dambayn isla meel dhigay xoojinta wadashaqaynta iyo dardargelinta adeegga loo hayo bulshada Puntland.

————-DHAMMAAD————-

XAFIISKA WACYIGELINTA IYO WARFAAFINTA WAKAALADA HORUMARINTA TAMARTA PUNTLAND.

Garoowe:Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Korontada Puntland, Mudane Maxamed Abshir muse , ayaa ka qaybgalay kul...
31/08/2026

Garoowe:Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Korontada Puntland, Mudane Maxamed Abshir muse , ayaa ka qaybgalay kulan wada-shaqayn iyo isku-duwid ah oo ka qabsoomay Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha ee Dowladda Puntland.

Kulanka ayaa ahaa mid muhiim ah oo u dhexeeyay Wasaaradda iyo labada hay’adood ee hoos yimaada, Puntland Water Development Agency (PWDA) iyo Puntland Energy Development Agency (PEDA).

Kulanka waxaa shir-guddoomiyey Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha, Mudane Cabdiraxmaan Khaliif Faarax, waxaana ka qayb galay Maareeyaha Guud ee PWDA, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Maxamed; Maareeyaha Guud ee PEDA, Mudane Maxamed Abshir Muuse; iyo Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Sadiiq Maxamuud Maxamed.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo isku-duwidda Wasaaradda iyo labada hay’adood, midnimada hay’adaha, dardargelinta wada-shaqaynta, iyo horumarinta nidaamka xeerarka iyo siyaasadaha waaxyaha Tamarta iyo Biyaha.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu xoojiyey isku-duwidda dadaallada horumarineed iyo dardargelinta howlaha shaqo, si loo xaqiijiyo in si hufan loo fuliyo qorshayaasha iyo hawlaha mudnaanta u leh horumarka Puntland iyo adeegyada bulshada.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wakaaladda Horumarinta Tamarta Puntland:

Shortcuts

Share