01/06/2026
Garoowe: 1 June 2026: Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta goobjoog ka noqday Munaasabadda dhaarinta xubno ka mid ah Golaha Wasiirada Cusub ee Dowladda Puntland, oo ka dhacday Qasriga Madaxtooyada , waxaana dhaariyey Wasiirada Garsoore Axmed Maxamed Xuseen (Soomaali) oo ka tirsan Maxkamadda sare ee Dowladda Puntland.
Xubnaha Wasiiradda ee maanta la dhaariyey: -
1. Axmed Bashiir Muuse
Wasiir dowlaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka
2. Maxamed Siciid Saalax
wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
--------DHAMMAAD-------
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND