01/06/2026
Gaalkacyo, 01 Juun 2026, Waxaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababarka Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliiska Puntland, kuwaas oo ka qalin-jebiyay Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska Gen. Carays Godad ee magaalada Gaalkacyo.
Waxaan hambalyo u diraya askarta qalin-jebisay, waxaana ku bogaadinaya dadaalka iyo adkaysiga ay muujiyeen muddadii uu tababarku socday. Waxa uu sidoo kale ku boorrinaya inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka iyo dalka, isla markaana door muuqda ka qaataan sugidda amniga, ilaalinta sharciga iyo xoojinta nabadda Puntland.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada iyo xirfadaha Ciidanka Booliiska Puntland, si loo helo ciidan aqoon, anshax iyo karti u leh gudashada waajibaadkooda amni ee bulshada.
Hon Mohamed Baarri Shire