Ciidanka Booliska Puntland

Ciidanka Booliska Puntland Official page, Puntland Police Force - PPF

Twitter.com/Plpoliceforce

Puntland Police Force - PPF, as part of, and empowered by, the community, is committed to protect the lives, property, and rights of Puntland people, to maintain order, and to enforce the law impartially. We will provide quality police service in partnership with other members of the community. To fulfill our mission, we will strive to attain the highest degree of ethical behavior and professional conduct at all times.

03/06/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland oo Kormeer Shaqo ku Tagay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug

Gaalkacyo :– Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Abdi Shire, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Taliska Qaybta Booliska Gobolka Mudug, si uu ugu kuurgalo xaaladda amniga, howlaha shaqo iyo tayada adeegyada ay ciidamadu u hayaan bulshada.

Taliyaha ayaa waxaa xarunta taliska kusoo dhaweeyay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug, G/sare Maxamuud Muuse Bile, Taliye Ku-xigeenka Qaybta G/le Ayuub Cali, iyo saraakiisha kala duwan ee qaybta.

Taliyaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey shaqada ay u hayaan bulshada iyo dadaallada ay ku xaqiijinayaan nabadgelyada gobolka. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey inay sii dardargeliyaan howlaha sugidda amniga, xoojiyaan wada-shaqaynta bulshada, isla markaana laba jibbaaraan dadaallada lagu ilaalinayo xasilloonida iyo kala dambeynta.

Ugu dambayn, Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay feejignaanta joogtada ah, anshaxa ciidannimada iyo gudashada waajibaadka qaran ee saaran ciidamada booliska.

— Dhammaad —

02/06/2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Fuaad Mahamuud Hussen oo safar kujioga degmada Burtinle ayaa ka warbixiyay xalaada amni iyo kulamo oo laqaatay bulshada Deegaanka.

Boosaaso – Taliyaha Hoggaanka CID-da Puntland, G/sare Maxamuud Cabdixakiim, ayaa maanta kulan dardargelinta shaqada la q...
02/06/2026

Boosaaso – Taliyaha Hoggaanka CID-da Puntland, G/sare Maxamuud Cabdixakiim, ayaa maanta kulan dardargelinta shaqada la qaatay saraakiisha iyo ciidanka CID-da ee gobolka Bari.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta howlaha baarista dambiyada, kor u qaadidda wada-shaqeynta saraakiisha iyo ciidanka, iyo dardargelinta adeegyada amniga ee ay CID-du u hayso bulshada. Taliyaha ayaa saraakiisha ku adkeeyay in ay laba jibbaaraan dadaallada lagu sugayo amniga iyo la dagaallanka falalka lidka ku ah sharciga.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay caqabadaha jira iyo sidii loo horumarin lahaa hufnaanta iyo tayada shaqada CID-da ee gobolka Bari.

02/06/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire, oo ay weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Maxamuud Bile, masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay labo gaari oo loogu talagalay xoojinta amniga iyo dardargelinta hawlaha ciidanka.

02/06/2026

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane. Maxamed Baarri Shire ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay Dugsiga Tababarka ee Godod.

— DHAMMAAD —

Gaalkacyo, June 02, 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigee...
02/06/2026

Gaalkacyo, June 02, 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane. Maxamed Baarri Shire ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda dhaarinta Dufcadda 10-aad ee Ciidanka Booliska Puntland, kuwaasi oo tababar ku soo qaatay Dugsiga Tababarka ee Godod.

Munaasabadda dhaarinta waxaa sidoo kale ka qaybgalay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada, saraakiisha ciidamada iyo marti sharaf kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ayaa ciidamada cusub kula dardaarmay inay si hufan oo daacadnimo leh ugu adeegaan shacabka Puntland, isla markaana ka shaqeeyaan ilaalinta amniga, kala dambeynta iyo ku dhaqanka sharciga.

Sarreeye Guuto Mumin Cabdi Shire ayaa sheegay in ciidamada cusub laga filayo inay noqdaan kuwo u taagan difaaca bulshada iyo xoojinta nabadgelyada guud ee Puntland.

— DHAMMAAD —

Hoggaanka Xiriirka Bulshada ee DPL ayaa magaalada Boosaaso ka hirgeliyay wacyigelin ku saabsan fahamka bulshada ee doork...
02/06/2026

Hoggaanka Xiriirka Bulshada ee DPL ayaa magaalada Boosaaso ka hirgeliyay wacyigelin ku saabsan fahamka bulshada ee doorka iyo shaqooyinka xafiiska Xiriirka Bulshada.

Kulankan wacyigelinta ah waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan, waxaana ka mid ahaa Taliyaha Hoggaanka Xiriirka Bulshada ee DPL G/sare Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Community-ga Booliska Gobolka Bari Dhamme Aamin, Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari, masuuliyiin ka socday xafiiska Xiriirka Bulshada ee DPL ee gobolka Bari iyo degmada Boosaaso, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Dowladda Hoose ee Boosaaso, Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso, iyo masuuliyiin kale oo muhiim ah.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in bulshada lagu wacyigeliyo fahamka shaqooyinka xafiiska Xiriirka Bulshada, lana xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha amniga, maamulka dowlad hoose, iyo bulshada rayidka ah.

Gaalkacyo, June 02, 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire, oo ay weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobo...
02/06/2026

Gaalkacyo, June 02, 2026: Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, Muumin Cabdi Shire, oo ay weheliyaan Taliyaha Qaybta Gobolka Mudug, Maxamuud Bile, masuuliyiinta maamulka gobolka iyo degmada, ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay labo gaari oo loogu talagalay xoojinta amniga iyo dardargelinta hawlaha ciidanka.

Gaadiidkan ayaa qeyb ka noqon doona
sugidda nabadgelyada iyo kor u qaadista howlaha ay ciidanka boolisku bulshada u hayaan.

Maamulka gobolka iyo degmada ayaa soo dhaweeyey tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid wax ku ool ah oo ka qeyb qaadanaysa horumarinta amniga iyo adeegyada bulshada. Gaadiidkan ayaa waxaa ku taageeray Booliska Shirkadda Isgaarsiinta Golis.

- DHAMMAAD -

02/06/2026

Gabay:- Digtaatoori kii doonayow diidnay taladaada

Abwaan Cabdiweli Aadan Maxamed.

02/06/2026

Hadal jeedinta:- Guddoomiyaha guddiga amniga golaha wakiillada dawladda Puntland Xil. Xasan Ducaale Cali (Dhagaxtuur).

Address

Puntland Police Force/PPF Command
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Booliska Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ciidanka Booliska Puntland:

Share