08/05/2026
Laashimo, May 08, 2026: Xildhibaanno iyo Wasiiro ka socda labada Golle ee Dowladda Puntland oo maanta safar shaqo ee ku tegay Dooxada Laashimo oo hoostagta Degmada Ceerigaabo Gobolka Sanaag, halkaas oo maalin ka hor ay ka dhacday shaqaaqo dhex martay beelo walaalo ah.
Ujeedda safarka guddiga ayaa ahayd inay qeyb ka noqdaan xal u helidda khilaafaadka iyo xiisadaha ka taagan deegaanka, gaar ahaan si ay gacan uga geystaan sidii loo soo afjari lahaa shaqaaqada dhex martay beelaha walaalaha ah.
Mas'uuliyiinta ayaa warbixin ka dhegeystay Saraakiisha Ciidanka ee Dawladdu u xilsaartay deegaanka, kuwaas oo gacanta ku haya amniga goobta, iyo tallaabooyinka ay ku sugayaan xasiloonida.
Xildhibaannada iyo Wasiiradda ayaa sidoo kale la kulmay madaxda dhaqanka iyo odayaasha deegaanka, kuwaas oo kawa hadlay sababaha keenay xiisadaha iyo sida ay u arkaan xalinta shaqaaqada ka dhacaday deegaanka.
Si gaar ah, guddigu waxay xoogga saareen baahida loo qabo in la dhiso wada hadal iyo isfaham ka dhexeeya beelaha walaalaha ah si loo xoojiyo nabadgelyada iyo ka hortagga in xaaladdu dib uga soo cusboonaato.
Saraakiisha Ciidanka ee Gobolka ayaa mas'uuliyiintu kula dardaarmeen in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta amniga, iyagoo ballanqaaday in ay sii wadi doonaan howlgallada lagu sugayo.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.
Ibrahim Mohamud Yusuf
π§[email protected]
π (https://puntlandparliament.com)
π² (https://www.tiktok.com/)
-https://www.youtube.com/
-(https://x.com/Parliamentofpl?
π Garowe, Puntland, Somalia