09/04/2026
MADAXWEYNAHA OO TABABAR U FURAY GUUTADA 3-AAD EE CIIDANKA DARAAWIISHTA DOWLADDA PUNTLAND.
Qardho : 09 April 2026: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire, ayaa galabta tababar u furay Cutubto ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland gaar ahaan guutada Saddexaad ee ka hawlgalay buuralayda Calmiskaad.
Madaxweynaha ayaa Hambalyo u diray dhammaan Ciidamada Dowladda Puntland Guushii ay kasoo hooyeen howlgalkii Calmiskaad oo hadda maraya meel gebogebo ah, wuxuuna kulanka kaga dhawaaqay in Dowladdu Awoodeeda isugu geynayso oo ay gelinayso Tamar iyo Talloba Tayeynta iyo horumarinta Ciidamadeenna geesiyaasha ah ee u taagan difaaca dadka , dhulka iyo Dowladda Puntland.
Wuxuu Madaxweynuhu xusay in Dowladda Puntland isku filantahay dhinac kastana ku filantahay illaalinta Amniga dadkeeda, iyadoo Ciidankeenu tusaale u noqday wadamada adduunka, marka la arkay sida ay u burburiyeen Cadowga Daacish ee Adduunku la tacaalayey.
Tababarka galabta loogu furay guutada Saddexaad ee Ciidanka Daraawiishta xarunta tababarada Ciidanka ee Xorgoble ee Qardho, wuxuu qeyb ka yahay qorshe Dowladdu ku horumarinayso khibrada iyo aqoonta Ciidamada, Iyadoo sidoo kale Guutada labaad ee Ciidankana tababar uga bilowmayo kulliyada tababarada Ciidanka ee Gen. Green ee degmada Badhan.
- DHAMMAAD-
-XAFIISKA WARFAAAFINTA Ciidanka Daraawiishta DOWLADDA PUNTLAND-