31/07/2025
MAQAALLADA KAKAN: SIDEE LOO AKHRIYAA LOONA FAHMAA WAKHTI KOOBAN GUDAHOOD?
Waxaan dareemi jiray lunsanaan buuxda markastoo aan furo buug kakan ama maqaal cilmiyeed. Qayb kamid ah wargays cilmiyeedku waxay noqon karaan kuwo akhrintooda iyo fahamkoodu walaac xanbaarsanyahay. Arrintaasi waxay igu ahayd culays ka qore akaadeemiya ahaan. Weeruhu waxay ahaayeen kuwo aad u dhaadheer, erey-bixintuna waxay ahayd mid xad dhaaf ah, waxay igu qaadataa dhawr jeer halkii tuduc in aan akhriyo. Waxay igu noqotay niyad-jab, dhab ahaantiina waxay igu sababtay in aan kabaqo akhriska maqaallada aan fududayn, arrintaasina igama caawinayn in aan horusocod sameeyo qoraa ahaan. Hase ahaatee muddo kadib waxaan bartay dhawr xeeladood taasoo gabi ahaanba baddashay sidaan u wajahayo qoraallada qallafsan. Haddii aan kula wadaago waxaa lagayaaba in ay adigana sidoo kale kuu fududayso.
1. SABABEE AKHRISKAAGA
Markastoo aan qoraal adag doorto waxa ugu horreeya ee aan naftayda weydiiyaa waa “Sababtee ayaan u akhrinayaa?”, Ma waxaan iskudayayaa in aan fahmo fikradda guud? Ma in aan xog gaar ah kahelaa? Ma imtixaan baan u diyaarinayaa?, in aad garawsatid ujeeddada aad u akhrinaysid waxay kuu caddaynaysaa hadafkaaga waxayna ku siinaysaa diirad saritaan. Tusaale ahaan mar aan baarayay mashhruuc, waxaan ogaaday in aanan u baahnayn in aan akhriyo erey kasta oo ku jira maqaal cilmiyeedka, hase ahaate waxaan diiradda saaray hordhaca maqaalka, qaybta lagu sookoobay qodobbada muhiimka ah, gunaanadka ciwaanka iyo halka lagu bandhigay jawaabaha cilmibaarista. Ugu dambaynna waxay noqdeen kuwo fudud.
2. INDHAHA LA RAAC INTAADAN DHEX MUQUURAN
Tani waxay ii badbaadisay wakhti badan. Intaanan erey-erey u akhrin waxaan halmar isha laraacaa cinwaannada guud iyo cinwaan hoosaadyada, meelaha sida gaarkaa loo calaamadiyay, fartamuujisan ama fartajiifta lagu qoray, waxaad mooddaa sidii dulmar guud. Kasoo qaad adoo akhiranaya dulucda filin inta aadan daawan filinka, waxay kusiinaysaa macnaha guud, si aadan ugu dhex lumin. Xitaa waxaan hubiyay jaantusyada, garaafyada, ama soo koobista qoraalka maxaayeelay waxay diiradda saaraan meelaha muhiimka ah.
3. U JAJABI QAYBO YARYAR
Iskudayga in aad akhrisid maqaal ama qoraal 20 bog ah halmar kaasoo ah mid aad u cufan waxay kugu abuuraysaa niyad jab. Sidaa darteed waxaad u kala jajabisaa dhawr qaybood, halkii marba qayb akhri, istaag oo ku dul feker. Isweydii waa maxay fikradda ama aragtida ay qaybtani ka hadlayso? Sidee bay iigu xiraysaa xogihii h**e ee aan hayay?, hab kani qoraalladii adkaa wuxuu ka dhigayaa kuwo fudud.
4. HAKA CABSAN IN AAD DIB U AKHRISO
Mararka qaar waxaa dhici jirtay in aan akhriyo jumlad kadibna aan si fudud u fahmo halkii aan ku wareeri jiray, waxaan bartay in aan ku dul hakado, dib ugu noqdo, oo aan si tartiib ah u akhriyo. Mararka qaarkood u jajabinta tuduca weero ama dib u qorista jumladda anigoo isticmaalaya ereyo ka fudud ayaa iga caawiyay fahamka. Xalku degdeg ma aha hase ahaatee waa fahamka. Fahamku wuxuu qaadan karaa wakhti mararka qaarkood, adigu naftaada culays ha saarin. Xikmaddan ayaan jeclahay isticmaalaana “Hal tallaabo ayaa ka fiican tallaabooyin la’aan.”
5. RAADI WIXII AADAN FAHMIN
Qoraallada kakan waxaa badanaa ka buuxa ereyo farsamo ama ereyo aanan inta badan la isticmaalin. Waan ka boodi jiray, anigoo u haysta inaysan muhiim ahayn, qoraalladuna way sii adkaan jireen . Hadda, waxaan isticmaalaa qaamuus ama Google si aan si degdeg ah u eego wax kasta oo jahwareer leh. Markastoo aan saa sameeyay, waxaa ii fududaaday in aan fahmo ereyada cusub.
6. LA FALGAL QORAALKA
Markaad wax akhrinaysid xusuusqor samayso , hana hilmaamin in aad calaamadsato oo sidoo kalena aad sharraxato . Waxaana hoosta ka xarriiqdaa oraahyada muhiimka ah, su'aalaha ayaan ku qortaa dhinacyada waraaqda ama xitaa qaybaha qaar aniga ayaa kooba. La falgalka qoraalku waxay si heersare ah iigu deeqdaa diirad saaritaanka, waxayna iga caawisaa in aanan hilmaamin macluumaadka. Mararka qaarkood, waxaan u sharaxaa macluumaadkii aan akhriyey qof kale -waxaa yaab leh sida ay wax bariddu u xoojiso fahamka.
7. XOOGAA YARA BIRIRIF QAADO
Akhrinta maqaallada kakan waxay noqon kartaa mid maskaxda wareerisa. Markaan dareemo daal ama culays badan, waxaan qaata xoogaa fasax ah, xitaa haddaan daqiiqado yar maqnaado waxay iga caawinaysaa in aan firfircooni maskaxeed soo helo, tani kuma saabsana tartan waa fahamkaaga, waxaad isticmaali kartaa xeeladda Bomadooro markaad wax akhrinayso. Qabso 25 daqiiqo, iska fogee wax kastoo akhriska kaa carqaladaynaya, markaad dhammaysidna akhriskaaga qaado 5 daqiiqo oo nasasho ah, waana wax aad kuu anfacaya.
8. HA IS-DHIIBIN!
Markastoo aan wax badan akhriyo, waa markastoo uu fududaado . Marka ugu horraysa maqaallada kakan waxaad u malaynaysaa in aysan suurtagal ahayn hase ahaatee ku celceli oo joogtee. Markaan joogteeyey akhriska waxaan is arkay anigoo si fudud u fahmaya, waxay lamid tahay jimicsiga murqaha, markastoo aad badisid jimicsiga muruqu wuu sii waynaanayaaa.
GUNAANAD
Haddaad waligaa dareentay in aad ku go’doonsantahay akhrinta maqaal kakan, kaligaa ma tihid. Waxaan rajaynayaa adigoo isticmaalaya xeeladahaas in aad si kalsooni leh u wajihi doontid maqaal kastoo adag. Muhiimaddu waa in aad marwalba hormar samaysid markastoo aad wax akhridid. Fadlan iskuday tilaabooyinkaas.
Qalinkii: Samantha Lazaru
Turjumistii: Luqmaan Maxamed