Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed 🇸🇴

24/11/2025

👀 Kismaanyo

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

|| KULANKA MAANTA LAGU DHISAY  Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed   Maanta oo taariikhdu tahay 2da Bisha Oktoobar 2025, wax...
02/10/2025

|| KULANKA MAANTA LAGU DHISAY Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed

Maanta oo taariikhdu tahay 2da Bisha Oktoobar 2025, waxaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya shir isugu yimid Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Jubaland iyo Puntland Mudane Madaxweyne Axmed Maxammed Islaan iyo Mudane Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madasha Samatabixinta Soomaaliya oo ay matalayeen Raysul Wasaare h**e Mudane Xasan Cali Khayre, Raysul Wasaare h**e Mudane Saacid Shirdoon iyo Xildhibaan Cabddiraxmaan Cabdishakuur.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda guud ee Dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo amniga, iyadoo si gooni ah diiradda loogu saaray sidii Soomaaliya ku gaari lahayd mustaqbal wanaagsan oo u horseeda xasilooni siyaasadeed, amni sugan iyo horumar dhaqaale. Shirka wuxuu go’aamiyey:
1. In la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta iyo Dowladaha Jubaland iyo Puntland

2. In si dhaqso ah shir la isugu yimaado gudaha Soomaaliya si looga arrinsado, go’aanna looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda Dalka

3. In shirka soo socda lagu dhammeystiro dhismaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya

4. Shirku wuxuu ugu baaqayaa guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeensadaan illaalinta iyo ka shaqeynta midnimadooda, xasiloonida dalkooda, kana hortagaan cid kasta oo dhaawacaysa wadajirkooda

5. Shirku wuxuu uga mahad celinayaa Dowladda Kenya dadaalka ay ugu jirto sidii Soomaaliya u heli lahayd xasilooni iyo horumar.

-DHAMMAAD-

||WARSAXAAFADEED: Shirka Dowladaha Puntland, Jubaland iyo Golaha Samatabixinta,  waxaa lagu dhisay Golaha Mustaqbalka So...
02/10/2025

||WARSAXAAFADEED: Shirka Dowladaha Puntland, Jubaland iyo Golaha Samatabixinta, waxaa lagu dhisay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ay ku mideysanyihiin saddexdoodu, Shirka xiga kan ayaana lagu dhameystiri doonnaa dhismaha Golahan.

02 October 2025

Address

Garoowe

Telephone

+252907462330

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed:

Share