Ciidanka Madaxtooyada Puntland

Ciidanka Madaxtooyada Puntland Bogga rasmiga ah ee Ciidanka Madaxtooyada Puntland. The official page of the Puntland Presidential Guards.

CIID MUBARAkTaliyaha Guud ee Ciidanka Madaxtoyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati) oo Ku hadlaya m...
19/03/2026

CIID MUBARAk

Taliyaha Guud ee Ciidanka Madaxtoyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati) oo Ku hadlaya magaciisa iyo kan ciidamada Dowlada puntland Wuxuu Ciidul Fidriga Hamblyo lawadaagaya Umadda soomaliyeed ,shacabka Puntland iyo Ciidamada Qalabka sida meelkasta oo joogaan.

Rabi nabad,amni iyo caafimaad ha inoogu gaarsiiyo ciidan ciideeda kale .

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN. Taliska guud ee ciidamada Madaxtoyada Dowlada Puntaland waxa uu uga tacsiyayna...
28/05/2025

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Taliska guud ee ciidamada Madaxtoyada Dowlada Puntaland waxa uu uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, ciidamada qalabka sida, ehelladii, qaraabadii iyo qoysaskii uu ka baxay Marxuum Gen, Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo goor dhoweyd geeriyoodey.

Allah ha u naxariisto Gen, Moorgan dembigiisana ha dhaafo, Jannatul Fardawsana hoygiisa hakayeelo, samir iyo iimaanna hakasiiyo dadkiisa, waxa uu ahaa Sarkaal iyo Siyaasi dalkiisa muddo dheer u soo shaqeeyey.

Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland wuxuu ka tacsiyeeynayaa geerida Captain Cabdikhaaliq Maxamuud Faarax, oo xalay k...
17/02/2025

Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland wuxuu ka tacsiyeeynayaa geerida Captain Cabdikhaaliq Maxamuud Faarax, oo xalay ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Boosaaso isagoo ku jira hawlgal amni.

Marxuumka waxaan allaah uga baryaynaa in uu janadii geeyo ehelkiisa iyo qoyskiisana samir iyo iimaan kasiiyo. aamiin.

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati)Ayaa maanta tababar usoo Xiray  Cut...
15/10/2024

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati)Ayaa maanta tababar usoo Xiray Cutubyo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland, gaar ahaan Ururka 12-aad, Qaybo kamida ah kuwaasi oo tababar Gaara ugusoo dhammaaday Xerada tababarka Xorgoble ee degmada Qardho.

Joogteynta tayeeynta iyo tababarka Ciidanka waa Yoolkeenna si aan marwalbo u horumarino Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Hambalyo dhammaan Ciidanka tababarka dhameystay, waxaan idiin rajeynayaa inaa si wanaagsan uga faa’iideysataan aqoonta la idin baray, inshallah .

Guulaysta

Taliyaha Ciidanka Madaxtoyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati)Wuxuu u hambalyeeynayaa cutubyada Ci...
24/09/2024

Taliyaha Ciidanka Madaxtoyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati)
Wuxuu u hambalyeeynayaa cutubyada Ciidanka Dowladda Puntland ee dhameystay tababaro kala duwan, kuwaasi oo maanta Madaxweynaha Dowladda Puntland uu guddoonsiiyey shahaadooyin, si gaar ah Waxaan ugu hambalyeeynayaa hurinta 2-aad ee Ciidanka Madaxtooyada oo soo dhameystay tababar khaas ah.

Ciidanku wuxuu habeen iyo maalin u taaganyahay sugida Amniga, waxaana rajeynayaa casharada la baray in ay si wanaagsan ugaga faa’ideystaan waajibaadka ay u hayaan Dalka iyo dadkaba.

Guuleysta,

Qardho, 17 June 2024 Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse Shaati, oo ay wehe...
17/06/2024

Qardho, 17 June 2024 Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland G/sare Cabdinaasir Maxamed Muuse Shaati, oo ay weheliyaan Guddoomiyaha gobolka Karkaar iyo Taliyaha qaybta Booliska gobolka Karkaar, ayaa maanta tababar u Furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada Puntland, oo muddo uu tababar khaas ah uga socon doono Dugsiga Tababarka Ciidamada Xorgoble ee Magaalada Qardho.

Ciidamadaan oo qaadan Doona Tababar Khaas Ah (Special Force) ayaa inta ay ku jiraan waxaay kororsan donaan xirfado muhiim ah oo ka caawin doono u shaqeynta Dalka.

Cabdinaasir Shaati oo la hadlayay Cidamadaan manta tabarkas khaaska qaadanayay ayaa sheegay in ciidamadaan uu ka rajeyn doono inay ka soo dhalaalaan doorkii lagu yaqiinay Ciidanka Madaxtooyada Dowlada Puntland.

“Waxaan rajeynayna dhallinyarada maanta Tababarka loo furay,haddii Alle yiraahdo inay kaalintooda lagu yaqiinay qaadan doonaan ama ay ka soo dhalaali doonaan.” Ayuu yiri Taliyaha.

==Dhammaad==

CIIDANKA  MADAXTOOYADA DOWLADA PUNTLANDTaliyaha Guud ee Ciidanka Madaxtoyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muu...
11/03/2024

CIIDANKA MADAXTOOYADA DOWLADA PUNTLAND

Taliyaha Guud ee Ciidanka Madaxtoyada Dowlada Puntland G/sare C/nasir Maxamed Muuse (Shaati) oo Ku hadlaya magaciisa iyo kan ciidamada Dowlada puntland Wuxuu Dhalashada Bisha Barakaysan ee Ramadaan awgeed Hamblyo lawadaagaya Umadda soomaliyeed ,shacabka Puntland iyo Ciidamada Qalabka sida meelkasta oo joogaan.

Rabi nabad,amni iyo caafimaad ha inoogu dhammeeyo bishan barakaysan, Khayraadkeeda iyo wanaaggeed ha inna waafajiyo

*Ciid Mubaarak*.Waxaan Munaasabada Ciidul-Adxaha ee Sanadka 1444 Taariikhda Islaamka awgeed Hambalyo u dirayaa guud ahaa...
27/06/2023

*Ciid Mubaarak*.

Waxaan Munaasabada Ciidul-Adxaha ee Sanadka 1444 Taariikhda Islaamka awgeed Hambalyo u dirayaa guud ahaan Ummada Muslimiinta ah meel ay joogaanba gaar ahaan Shacabka reer Puntland.

Alle haynagu gaadhsiiyo sanadkan kiisa kale Barwaaqo iyo Badhaadhe.

Garoowe: 03 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kul...
03/05/2023

Garoowe: 03 May 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada kulan Kula qaatay Saraakiisha Ciidanka kala duwan ee Dowladda Puntland, sida Daraawiishta , Booliska , Asluubta iyo Nabad sugida.

Kulanka ayaa ku saabsana dardargelinta Amniga Guud ee Puntland, Iyadoo Madaxweynuhu uu warbixin ka dhegaystay Saraakiisha Ciidanka, waxaa Madaxweynaha Kulanka ku weheliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabanacad.

DHAMMAAD

Munaasabadda Ciida Waxaan Hambalyo  u direyna guud ahaan Ciidanka Qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Madaxtooyada Puntlan...
20/04/2023

Munaasabadda Ciida Waxaan Hambalyo u direyna guud ahaan Ciidanka Qalabka sida, gaar ahaan Ciidanka Madaxtooyada Puntland, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhammaan Ciidanka iyaga iyo xaasaskooda iyo caruurtoodoba Waxaan leenahay Farxad ku Ciida.

Hambalyo,
CIID WANAAGSAN,
Taliyaha Madaxtooyada Dowladda Puntland.
G/Sarre Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati)

TacsiTaliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) waxaa uu tacsi u diraaya...
28/08/2022

Tacsi

Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Dowladda Puntland G/Sare Cabdinaasir Maxamed Muuse (Shaati) waxaa uu tacsi u diraaya marxuum Siciid Raad-Wanle oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Madaxtooyada oo maanta ku geeriyooday magaalada Garoowe,

aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Ciidanka Madaxtooyada waxaan uga tacsiyeeynaya qoyskii uu ka geeriyooday iyo ummada Soomaaliyeed geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuumka in Illaahay u naxariisto qoyskana uu samir iyo iimaan Alle ka siiyo isagana Fadhigiisa Fardowsa ka yeelo su’aashana u fududeeyo".

Aamiin

Address

State House
Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ciidanka Madaxtooyada Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category