01/05/2026
BOSAASO, 1- MAY 2026:- Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada, Mudane Cabdifataax Ugaas Yaasiin, ayaa si diirran ugu hambalyeeyay dhammaan shaqaalaha ka hawlgala garoomada diyaaradaha Puntland iyo Ciidamada Amniga, Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed (International Workersβ Day).
Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintani ay tahay munaasabad muhiim ah oo lagu maamuuso laguna xuso doorka muuqda ee shaqaalaha, kuwaas oo si joogto ah oo hagar laβaan ah uga qayb qaata horumarinta, sugidda badqabka, iyo sare u qaadidda tayada adeegyada garoomada dalka.
βMaalintaano kale waa fursad lagu muujiyo qadarin iyo mahadnaq ballaaran oo loo jeedinayo shaqaalaha sida hagar laβaanta ah ugu adeegaya horumarinta iyo badqabka garoomada Puntland.
Ugu dambeyn, Wasiir Cabdifataax Ugaas Yaasiin ayaa u rajeeyay dhammaan shaqaalaha caafimaad, horumar iyo guulo waara, isaga oo ku boorriyay in la sii laba jibbaaro dadaalka lagu hormarinayo adeegyada duulista hawada ee Puntland.
π§ Email: [email protected]
π Website: http://mocaa.pl.so
π Facebook: https://www.facebook.com
π¦ Twitter: https://x.com/mocaapl?s=21
π΅ Tiktok: https://www.tiktok.com/.pl
ππππππππ
πππ
πππππ ππππ
πππ
ππππ πππππππππ ππππππππ πππππππ πππ πππππππππ πππ.