Maktabadda Guud Ee Galkacyo

Maktabadda Guud Ee Galkacyo Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maktabadda Guud Ee Galkacyo, Library, Gaalkacyo.

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waa maktabad dadweyne, xarun aqoon kororsi oo si siman bulshada ugu adeegta kana madax bannaan urur, koox ama xisbi siyaasadeed hadafkeeduna yahay horumarinta bulshada.

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay si murugo leh uga tacsiyaynaysaa geerida ku ...
31/03/2026

Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay si murugo leh uga tacsiyaynaysaa geerida ku timid Prof. Dr. Cali Jimcaale Axmed Nur, oo ku geeriyooday dalka Mareykanka.

Marxuumku wuxuu ahaa aqoonyahan sare oo door weyn ka qaatay kobcinta aqoonta iyo suugaanta Soomaaliyeed, isaga oo Bare Sare ka ahaa cilmiga Comparative Literature ee Jaamacadaha Queens College iyo CUNY Graduate Center, halkaas oo uu sidoo kale ka soo qabtay xilal hoggaamineed.

Prof. Cali Jimcaale waxa uu ka tegay dhaxal aqooneed oo qiimo leh, oo ay ka mid yihiin buugaagta Gaso, Ganuun, iyo Gasiin, When Donkeys Give Birth to Calves, iyo The Invention of Somalia, kuwaas oo door muhiim ah ka qaatay fahamka suugaanta, dhaqanka iyo jiritaanka Soomaaliyeed.

Waxaan Alle uga baryaynaa inuu jannatul firdowsa ka waraabiyo, qoyskii, qaraabadii, ardaydii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay samir iyo iimaan ka siiyo.

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay hambalyo u diraysaa Guddoomiyaha cusub ee Naadiga Aqriska iyo Qoraalka Gobolka Mudug ...
28/10/2025

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay hambalyo u diraysaa Guddoomiyaha cusub ee Naadiga Aqriska iyo Qoraalka Gobolka Mudug Mudane Mowliid Cabdiwaaxid Maxamed iyo Guddoomiye ku Xigeen Mrs. Kaafiyo Nuur Warsame.

Waxaan u rajaynaynaa in ay mas'uuliyadda lagu aaminay si xilkasnimo ah u gutaan qeybna ka qaataan horumarinta aqriska iyo qoraalka bulshada gobolka Mudug.

Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0617005477/0907263464
[email protected]

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis:Bandhigga buugga  ISMAHURTOWaxaa La ogeysiinayaa Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo Ee isug...
15/10/2025

Ogeysiis Ogeysiis Ogeysiis:
Bandhigga buugga ISMAHURTO

Waxaa La ogeysiinayaa Bulshada ku nool Magaalada Gaalkacyo Ee isugu jira Mas'uuliyiin, Aqoonyahanno, Arday iyo Ururada Ka Shaqeeya Hawlaha Waxbarashada Iyo Horumarintooda In Habeen Dambe a Uu Qabsoomi Doono haddii Eebbe idmo Bandhigga Buuga ISMAHURTO

Qoraaga: ?Maxamed Ciise Cismaan
Goobta :Ajaziira hotel
Goorta :16-10-2025
Waqtiga โฒ 6:30Pm (Maqribnimo)


Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.

๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0617005477/0907263464
[email protected]

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay u mahadcelinaysaa Ustaad Hanad Abdi Ali oo qayb lixaad iyo taageero buuxda la garab i...
03/10/2025

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay u mahadcelinaysaa Ustaad Hanad Abdi Ali oo qayb lixaad iyo taageero buuxda la garab istaagay horumaribta howlaha Maktabadda.

Si gaar ah wuxuu fududeeyay xiriirka Jamaacadda SIMAD University oo maktabadda ugu deeqday 3kun oo buugaag ah.

18/08/2025

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo waxay u mahadcelinaysaa Guddoomiyaha Xisbiga Ramaas ahna Musharrax Madaxweyne DFS Mudane Sheikh Bashiir Ammaan Ali Mire oo Maktabadda soo gaarsiiyay deeq 50 buug ah oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee culuumta sida dhaqanka iyo suugaanta, sayniska, taariikhda iyo falsafadda.

Deeqdaani waxay qeyb ka tahay taageero 100 buug ah oo uu Musharrax Sheikh Bashiir Ammaan Ali Mire ugu deeqay labada Maktabadood ee Magaalada Gaalkacyo ee Scansom Library iyo Maktabadda Guud ee Gaalkacyo si uu u dhiirrigeliyo ololaha kor u qaadista aqriska iyo qoraalka iyo xoojinta midnimada iyo iskaashiga bahda aqoonyahanka gobolka Mudug oo ay labada Maktabadood hormuud u yihiin .

Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0617005477/0907263464
[email protected]

Galkayo Public Library sends hearfelt thanks to SIMAD University, Somalia's No.1 University and a leading institution in...
04/06/2025

Galkayo Public Library sends hearfelt thanks to SIMAD University, Somalia's No.1 University and a leading institution in research and community development for donating and handing over 2,821 books from various fieldsโ€“ranging from Somali language and cultural books to essential reference materials and English literature.

This generous contribution reflects SIMAD University's strong commitment to building a brighter future for Somalia by fostering knowledge and increasing literacy in our communities.

Galkayo Public Library is proud of this partnership with SIMAD University. Since we share a common vision of empowering communities through literacy and learning, we look forward to continuing our collaboration with SIMAD to promote literacy, community development and civic engagement efforts we have been championing for the past 5 years.

Many thanks to Ustaad . Abdikarim Mohiadin, the Rector of SIMAD University, for approving this valuable donation; Ustaad Mohamed Siyaad, the Director of SIMAD University Library, for his unwavering support and commitment; and finally Ustaad Abdi Ali, From the Galmudug Ministry of Education, Culture, and Higher Education, for facilitating and coordinating this important partnership.

This is not just a donation of books, it is an investment in the Galkayo Community by University..................................

Somali

Maktabadda Guud Ee Galkacyo waxay u mahadcelinaysaa Jaamacadda SIMAD, oo ah jaamacadda ugu sarreysa Soomaaliya iyo hormuudka cilmi-baarista iyo horumarinta bulshada, oo ugu deeqday 2,821 buug oo iskugu jira qeybo aqooneed oo kala duwan โ€“ laga bilaabo buugaag af Soomaali iyo dhaqan ah ilaa agabyo muhiim ah iyo suugaanta Ingiriisiga.

Deeqdan buugaagta ahi waxay muujineysaa sida ay Jaamacadda SIMAD uga goโ€™an tahay dhisidda mustaqbal ifaya iyada oo la xoojinayo aqoonta iyo akhriska bulshada.

Maktabadda Guud ee Galkacyo waxay ku faraxsan tahay iskaashiga ay la yeelatay Jaamacadda SIMAD. Maadaama aan wadaagno aragti ku dhisan horumarinta bulshada iyo kor u qaadista akhriska, waxaan rajeyneynaa sii wadidda wada shaqeyntan wax ku oolka ah.

Mahad ballaaran ayaan u direynaa Ustaad .Abdikarim Mohiadin, Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, oggolaanshiyihiisa deeqdan qiimaha leh; Ustaad Mohamed Siyaad, Agaasimaha Maktabadda Jaamacadda SIMAD, taageeradiisa iyo dadaalkiisa joogtada ah; iyo ugu dambeyn Ustaad Abdi Ali oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug oo fududeeyay iskuna dubbaridat iskaashigan muhiimka ah.

Tani ma ahan kaliya deeq buugaag ah, waa maalgashi Jaamacadda SIMAD ay ku maalgashatay bulshada Galkacyo.

Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0617005477/0907263464
[email protected]

๐’๐จ๐จ๐ง๐ช๐š๐š๐ ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง.Waxaa dhammaan bulshada reer Gaalkacyo lagu wargelinayaa in bisha ramadan awgeed si ku meelgaar ah sa...
28/02/2025

๐’๐จ๐จ๐ง๐ช๐š๐š๐ ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง.

Waxaa dhammaan bulshada reer Gaalkacyo lagu wargelinayaa in bisha ramadan awgeed si ku meelgaar ah saacadihii shaqada ee maktabadda loo beddelay.

waxa ay inta lagu guda-jiro bisha ramadan shaqayn doontaa gelinka H**e Subaxii laga bilaabo 7:30 Am ilaa 11:30 Am Duhurnimo. hadii eebbe idmo.

Mahadasanidiin.
Aqrisku waa aqoon Kororsi.
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]

Casuumaad Furan!Caawa iyo Bandhigga Strategic Ramadan HabitsCaawa oo ay bishu ku beegan tahay 28 Bisha February 2025, wa...
28/02/2025

Casuumaad Furan!

Caawa iyo Bandhigga Strategic Ramadan Habits

Caawa oo ay bishu ku beegan tahay 28 Bisha February 2025, waxa magaalada Gaalkacyo lagu soo bandhigi doonnaa buuggaas qiimaha badan oo uu Qoray Mohamed Abdullahi.

Faahfaahinta intaa ka dheer, fiiri boorka hoose. Balanteenu waa kasoo qaybgalka iyo iibsiga buugaagta.

๐€๐ช๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐Š๐จ๐ซ๐จ๐ซ๐ฌ๐ข

06/02/2025

Madasha Bidhaamiye kulanka 11aad.

๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐ข๐๐ก๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž- ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š11๐š๐š๐ Xalay waxaa inoo qabsoomay kulanka 11aad ee Madasha Bidhaamiye, oo ah madal aqoon koror...
04/02/2025

๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐๐ข๐๐ก๐š๐š๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž- ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ค๐š11๐š๐š๐

Xalay waxaa inoo qabsoomay kulanka 11aad ee Madasha Bidhaamiye, oo ah madal aqoon kororsi. Kulankan waxaa si wadajir ah u soo agaasimay Maktabadda Guud ee Gaalkacyo iyo Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo, waxaana diiradda lagu saaray doorka dhallinyarada ee xoojinta nabadda iyo isku-xirka bulshada.

Kulanka waxaa marti ku ahaa Ayub Moallim Ali Haji, Aasaasaha Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Dib-u-heshiisiinta, oo si qoto dheer u falanqeeyay mowduuca. Intii uu socday kulanka, ka soo qeybgalayaashu waxay suโ€™aalo la xiriira doorka dhallinyarada ee nabadda iyo horumarka bulshada weydiiyeen jeediyaha, waxaana la isla falanqeeyay xalal wax ku ool ah.

Waxaa sidoo kale kulanka ka soo qaybgalay Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo, Maamulka Jaamacadda Modern, Jaamacadda GU, Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Hobyo, Maamulka iskuulka Sheikh Ali Samater, Maamulka Iskuulka Al-Safa, Maamulka Iskuulka Waaberi, iyo marti sharaf kale.

Mahadcelin gaar ah ayaan u direynaa dhammaan ka soo qeybgalayaashii kulanka ka dhigay mid miro dhal ah. Dhallinyaradu waa laf-dhabarta horumarka, waxaana muhiim ah in ay hormuud u noqdaan nabadda iyo isku-xirka bulshada.

Aqrisku waa aqoon Kororsi.
# Madasha_Bidhaamiye


Dhammaad........................
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo iyo Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo waxay si wadajir ah idin kugu casuumayaan kulan ...
03/02/2025

Maktabadda Guud ee Gaalkacyo iyo Ururka Dhallinyarada Degmada Gaalkacyo waxay si wadajir ah idin kugu casuumayaan kulan cilmiyeed ciwaankiisu yahay โ€œDoorka Dhalinyarada ee Xoojinta Nabadda iyo Isku-xirka Bulshada.โ€

Kulanka waxaa marti ku ah Ayub Moallim Ali Haji oo ah Aasaasaha Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Dib-u-heshisiinta.

๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง ๐‚๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐๐ค๐š ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š ๐–๐š๐ฑ๐š ๐ฎ๐ฎ ๐œ๐š๐š๐ฐ๐š ๐’๐š๐ฅ๐š๐š๐๐š ๐Œ๐š๐ช๐ซ๐ข๐› ๐ค๐š ๐๐ข๐› uu ๐ค๐š ๐๐ก๐š๐œ๐š๐ฒ๐ฌ๐š๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐Œ๐š๐ค๐ญ๐š๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐Š๐š ๐ฌ๐จ๐จ ๐ก๐จ๐ซ๐ฃ๐ž๐ž๐๐š ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐‡๐จ๐ซ๐ฌ๐ž๐ž๐.

Faahfaahinta kulanka, fiiri boorka hoose:

Aqrisku waa aqoon Kororsi.




Dhammaad........................
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]

๐Œ๐š๐ก๐š๐๐ฌ๐š๐ง๐ข๐Agaasimaha wasaaradda arimaha Gudaha Galmudug Mudane ๐Ž๐ฆ๐š๐ซ ๐€๐›๐๐ข ๐†๐ฎ๐ซ๐ž Ayaa ugu deeqay 20  buug maktabadda guud e...
11/01/2025

๐Œ๐š๐ก๐š๐๐ฌ๐š๐ง๐ข๐

Agaasimaha wasaaradda arimaha Gudaha Galmudug Mudane ๐Ž๐ฆ๐š๐ซ ๐€๐›๐๐ข ๐†๐ฎ๐ซ๐ž Ayaa ugu deeqay 20 buug maktabadda guud ee Gaalkacyo.

Maamulka Maktabadda waxay Agaasime ๐Ž๐ฆ๐š๐ซ oga mahadcelinayaan ka Qeyb qaadashada Ololaha Buug deeqista Maktabadda Guud ee Gaalkacyo.

๐€๐ช๐ซ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฐ๐š๐š ๐š๐ช๐จ๐จ๐ง ๐ค๐จ๐ซ๐š๐ซ๐ฌ๐ข




Dhammaad........................
๐—๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐š ๐–๐š๐ซ๐›๐š๐š๐ก๐ข๐ง๐ญ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐œ๐ฒ๐ข๐ ๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐š.
0615685831/0613603738/0907809612
[email protected]

Address

Gaalkacyo

Opening Hours

Monday 03:00 - 20:30
Tuesday 03:00 - 20:30
Wednesday 03:00 - 20:30
Thursday 03:00 - 20:30
Friday 03:00 - 20:30
Saturday 03:00 - 20:30
Sunday 03:00 - 20:30

Telephone

+252613603738

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maktabadda Guud Ee Galkacyo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maktabadda Guud Ee Galkacyo:

Share

Category