08/09/2019
Shaki kuma jiro maanta hadii uu dhib dhici lahaa in dhaliisha Dowladda loo jeedinayo aad u xoganaan laheyd laakiinse taa bedelkeeda ay inagu yar tahay in marka tallaabooyinka hormarka leh la qaado aan Alle u mahad celino islamarkaana ku bogaadino Dowladda hormarkaas si ay dhiiri gelin ugu noqoto howlwadeennada iyo hogaamiyeyaasha Hay'adaha Dowliga.
Kani waa Garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan (Aadan Cadde) ee magaalada Muqdisho oo sanado badan kadib iminka dib u helay xaqa garoomada Caasimadaha Caalamka oo ah in duulimaadyo Caalami ah ay kasoo degaan , xaqaasi oo ay Garoonka iyo dadka Soomaaliyeed waayeen mudadii bur burka .
Guusha muuqata ee Dowladda Soomaaliya ay gaartay ayaa ah in la hormariyey Amniga garoonka diyaaradaha taasi oo abuurtay kalsoonida Duulimaadyada caalamiga ah maanta Dalkeena ku qabaan, suurtagelisayna in shirkadaha diyaaradaha caalamka inagu tartamaan ayadoo tanina ay fursad u tahay dadka Soomaaliyeed oo aan og nahay qiimaha Ticket yada sida uu qaali ugu ahaa ayna ugu adkeyd khadad fudud oo duulimaad in Muwaadinku helo.
Diyaaradaha Caalamiga ee kasoo dega Garoonka diyaaradaha aadan Cadde waxa ay kala yihiin;-
Turkish Airlines
AIR Djibouti
Kenya Airways
Ethiopian Airlines
Qatar Airways
Uganda Airlines
Shaki kuma jiro in tani abuureyso furtado ganacsi, shaqo abuur iyo iney muwaadinka u fududaado safarka, sidoo kalena qiimaha diyaaradaha lagu raaco raqiiso.
Hada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu shaqeeyaa maalin iyo habeen si la mid ah garoomada Caalamka, waana xaqiiq inta uu sii kordhayo hormarka Dowladnimada in hormarka Garoonka diyaaradahana uu sii kordhayo.
Waxaa iyana mahad celin mudan shirkadaha diyaaradaha muwaadiniinta Soomaaliyeed oo iyaguna dalkan ka shaqeynayey mudadii bur burka iyo hana qaadka geediga Dowladnimada ayagoo mar walba caqabado kala kulmayey dalalka ay dadka u dhoofayeen waloow caqabadaha ugu badan ay dalalka deriska ah kala kulmayeen.