Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL

Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL GAALKACYO DISTRICT- PUNTLAND

08/04/2026

Duqa Degmada Gaalkacyo ayaa maanta kormeeray goobaha laga wado hawlaha bilicsoocelinta suuqa bartamaha magaalada oo ay shaqadu ka socoto

Gaalkacyo, 08 April 2026: Maamulka Degmada Gaalkacyo oo uu hoggaaminayo Hussein Abdinur Mohamed ayaa saaka xarunta Dowla...
08/04/2026

Gaalkacyo, 08 April 2026: Maamulka Degmada Gaalkacyo oo uu hoggaaminayo Hussein Abdinur Mohamed ayaa saaka xarunta Dowladda Hoose ku qaabilay Maamulka cusub ee Gobolka Mudug dhawaan looso magacabay.

Duqa ayaa ugu horayn masโ€™uuliyiinta cusub uga warbixiyay xaaladda guud ee Degmadda, isagoo si gaar ah u dul istaagay howlaha horumarineed ee socda iyo adeegyada bulshada loo hayo, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya bilicda iyo kobaca magaalada.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Degmada Mudane Shaafici Cawil Maxamed, iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka, kuwaas oo iyaguna ka qeyb qaatay is-weydaarsiga xogaha iyo talooyinka la xiriira horumarinta degmada.

Masโ€™uuliyiinta ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xafiisyada kala duwan ee Dowladda Hoose, iyagoo indha-indheyn ku sameeyay habsami u socodka shaqooyinka maalinlaha ah.

--๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ--

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.

07/04/2026

Mayor Xussein Abdinuur, oo kulan dhirigalin ah ugu tagay xulka caasimada Gaalkacyo xillibay ku guda jireen diyaar garow.

07/04/2026

Duqa degmada Gaalkacyo oo kulan dhirigalin iyo Kala warqaadasho ah la yeeshay xulka caasimadda gaalkacyo oo kulan jira u diyaargarowga tartanka caasimadaha dowlada Puntland

Dowladda Hoose ayaa saaka bartamaha suuqa dhexe ka bilowday olole nadaafadeed, kaas oo lagu xoojinayo bilicda iyo nadaaf...
06/04/2026

Dowladda Hoose ayaa saaka bartamaha suuqa dhexe ka bilowday olole nadaafadeed, kaas oo lagu xoojinayo bilicda iyo nadaafadda goobaha ganacsiga iyo suuqda Magaalada.

Waxaa maalintii labaae si dardarleh u socd olole ballaaran oo lagu furayo kanaalada ay biyuhu maraan, kaas oo qayb ka ah...
03/04/2026

Waxaa maalintii labaae si dardarleh u socd olole ballaaran oo lagu furayo kanaalada ay biyuhu maraan, kaas oo qayb ka ah dadaallada loogu diyaar garoobayo xilliga roobabka, si loo yareeyo fatahaadaha loona fududeeyo qulqulka biyaha magaaladda.

Ololahan oo saka lagu furay kanaalo badan ayaa waxaa goobaha shaqadu ka socoto kormeeray Duqa Degmada Gaalkacyo, Xuseen Cabdinuur Maxamed, oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada.

02/04/2026

Dawladda hoose ee degmada Gaalkacyo ayaa ku hawlan furista kanaaladda biyuhu qaadaan ee suuqa Xero-dayax si loogu diyaar garoobo xili roobaadka

๐—ช๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก ๐— ๐—จ๐—›๐—œ๐—œ๐—  ๐—”๐—›.Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan gaadiidlayda bajaajta in maalinta bari ah oo ay taariikhdu tahay 29/...
28/03/2026

๐—ช๐—”๐—ฅ๐—š๐—˜๐—Ÿ๐—œ๐—ก ๐— ๐—จ๐—›๐—œ๐—œ๐—  ๐—”๐—›.

Waxaa lagu wargelinayaa dhammaan gaadiidlayda bajaajta in maalinta bari ah oo ay taariikhdu tahay 29/03/2026 ay tahay maalintii ugu dambeysay ee diiwaan-gelinta iyo sumadeynta bajaajta aan horay u marin nidaamka A-B.

Laga bilaabo taariikhdaas wixii ka dambeeya, waxaa xirmi doona diiwaan-gelinta bajaaj cusub iyo sumadeynta bajaajta muddo hal sano ah, kuna eg 29/03/2027, mana jiri doonto bajaaj cusub oo la diiwaan-gelinayo ama la sumadeynayo muddadaas.

--๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ--

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGALINTA BULSHADA EE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALKACYO.

Garoowe: 26 Maarso 2026, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Xuseen Abdinuur Maxamed oo uu weheliyo Xoghayaha Dawladda Hoose e...
27/03/2026

Garoowe: 26 Maarso 2026, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane Xuseen Abdinuur Maxamed oo uu weheliyo Xoghayaha Dawladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Eng. Shaafici Cawil Maxamed ayaa ka qayb galay maalintii labaad ee kulanka dhaqangelinta saxiixta kala xadaynta canshuuraha, kaas oo lagu soo gabagabeeyey magaalada Garoowe.

Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, iyadoo lagu kala saxiixday heshiis is-afgarad (MOU) oo lagu kala caddaynayo canshuuraha u dhexeeya Dowladda Dhexe iyo Dawladaha Hoose, iyo sidoo kale bixinta shatiyada ganacsiga.

Duqa iyo Xoghayaha ayaa door firfircoon ka qaatay doodaha la xiriira horumarinta nidaamka maaliyadeed, xoojinta wada shaqeynta heerarka dowladda, iyo kobcinta dakhliga gudaha ee degmooyinka.

Heshiiskan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kor u qaadidda hufnaanta dakhliga, yareynta is dulsaarka canshuuraha, iyo awood-siinta Dawladaha Hoose si ay si madax-bannaan ugu maareeyaan adeegyada ay bulshada u hayaan.

โ€” DHAMMAAD โ€”

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA BULSHADA DAWLADDA HOOSE EE DEGMADA GAALKACYO

Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay 100 geed oo qayb ka ah mashruuca cagaarinta ma...
24/03/2026

Dawladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay 100 geed oo qayb ka ah mashruuca cagaarinta magaalada Gaalkacyo

La wareegistan waxaa goob joog ka ahaa Ku simaha Duqa Degmada Gaalkacyo ahna Guddoomiye Ku-xigeenka degmada, Maxamed Ciise Xuseen (Waaberi), iyo Agaasimaha Waaxda Maaraynta Masiibooyinka iyo Isbeddelka Cimilada, Amal Xalane.

Mashruucan oo ay hirgelisay Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimilada Puntland, isla markaana ay fulisay shirkadda Nashaad Construction Company, ayaa ujeeddadiisu tahay xoojinta bilicda magaalada, ilaalinta deegaanka, iyo yareynta saameynta isbeddelka cimilada.

Garoowe: 23-Mar-2026, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Eng. Shaafici Cawil Maxamed, ayaa ka qayb galay tab...
23/03/2026

Garoowe: 23-Mar-2026, Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Gaalkacyo, Eng. Shaafici Cawil Maxamed, ayaa ka qayb galay tababar ku saabsan iskaashiga Dowladda iyo Ganacsatada (PPP) oo si rasmi ah uga furmay Garoowe.

Tababarkan oo soconaya laba maalmood, waxaa daahfuray Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa iyo Agaasimaha Guud ee wasaaradda arimaha gudaha Maxamed Cali Faarax, waxaana ka faaโ€™iidaysanaya wakiillo ka kala socda 8 degmo.

Tababarka ayaa diiradda saaraya xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Hoose iyo ganacsatada, si loo horumariyo adeegyada bulshada, loo kordhiyo hufnaanta maamul, loona abuuro fursado horumarineed oo waara.

โ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽDHAMMAADโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽโ–ช๏ธŽ

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA BULSHADA EEE DOWLADDA HOOSE DEGMADA GAALAKCYO

๐—ฆ๐—›๐—”๐—ค๐—ข ๐—๐—ข๐—ข๐—๐—œ๐—ก.Maamulka Degmadda Gaalkacyo ayaa shaqo joojin ku sameeyey Gudoomiyaha degsiimada Bacaadweyn ๐—ฆ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—”๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—–๐—ฎ...
21/03/2026

๐—ฆ๐—›๐—”๐—ค๐—ข ๐—๐—ข๐—ข๐—๐—œ๐—ก.

Maamulka Degmadda Gaalkacyo ayaa shaqo joojin ku sameeyey Gudoomiyaha degsiimada Bacaadweyn ๐—ฆ๐—ถ๐—ฐ๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐—”๐˜…๐—บ๐—ฒ๐—ฑ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ.

Address

Dawlada Hoose D. Gaalkacyo Dhinaca Waqooyi Ee Madaxtooyada Gobolka
Gaalkacyo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo PL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share