Maamulka Gobalka Mudug Galmudug

Maamulka Gobalka Mudug Galmudug Xafiiska Warfaafinta Maamulka Gobolka Mudug Ee Galmudug
Markasta kala soco Warbixinada Gobolka

Mudug Regional Administration delivers services to the community such as SECURITY, water, education and reconstruction.

21/07/2026

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdinaasir Cabdulqaadir, ayaa khudbad ka jeediyey munaasabadda xarig-jarka xafiiska Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee degmada Xero-dhagaxley.

Guddoomiyuhu wuxuu ka hadlay muhiimadda ay leedahay ka qaybgalka geeddi-socodka dimuqraadiyadda, adkaynta nabadda, iyo iskaashiga bulshada, isagoo u rajeeyey xisbiga JSP guul iyo in uu door wanaagsan ka qaato horumarinta deegaanka iyo adeegga bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Gurmadka Abaar...
11/02/2026

Guddoomiyaha Gobolka Mudug Mudane Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle, ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Deegaanka Dh...
16/10/2025

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Mudane Cabdinaasir Cabdulqaadir Cabdulle, ayaa magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Deegaanka Dhuurre,bariga Gobolka Mudug.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Somalia Mudane Maxamed xasan Shire aya...
06/04/2025

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Somalia Mudane Maxamed xasan Shire ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug ahna Madaxa Mashaariicda iyo Samafalka, Dr. Badal Liban Mohamed

29/12/2024

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed oo kormeer ku Gaaray Deegaanka Kala sooc oo ay ka taagan yihiin Biyo La'aan iyo AbaaroKormeerkaan oo qeyb ka ahaa kormeero maalmihii u danbeeyay ay ku marayeen deegaano ka tirsan Gobalka Mudug Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed iyo Agaasimaha Xiriirka Dagmooyinka Maamulka Gobalka Cabdiqani Sheekh Xasan kuwaa oo laga soo sheegayay Biyo La'aan iyo Abaaro Saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada ayaa waxa ay ku tageen Deegaanka Kala sooc oo ka mida deegaanada ay kasoo baxayeen cabashooyinka la xariira Baahiyada Bulshada Bulshada Deegaankaasi ayaa sheegay in ay ka jirto Deegaanka kala sooc Biyo La'aan kadib markii ay biyihii ku harsanaaa Baraagihii deegaankaasi oo aan horay aysan horay ugu oolin CeelBiyood noocuu doonaba ha noqdee taasina ay keentay Saameeyn Dhanka Nolasha ah Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed ayaa intaas kadib sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan gacan ka geysashada baahiyada ay soo gudbiyeen Bulshada Kala sooc oo ay ugu horeeyso tan Biyaha isagoo dhanka kalana ugu baaqay Wasaaradaha ku shaqada leh Baahiyada ka jira deegaankaasi in ay kaalintooda kasoo qaataan iyo qurba joogta kasoo jeeda deegaankaasi meel kasta oo ay kaga nool yihiin Dunida

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed oo  kormeer ku Gaaray Deegaanka Kala sooc oo ay ka...
29/12/2024

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed oo kormeer ku Gaaray Deegaanka Kala sooc oo ay ka taagan yihiin Biyo La'aan iyo Abaaro

Kormeerkaan oo qeyb ka ahaa kormeero maalmihii u danbeeyay ay ku marayeen deegaano ka tirsan Gobalka Mudug Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed iyo Agaasimaha Xiriirka Dagmooyinka Maamulka Gobalka Cabdiqani Sheekh Xasan kuwaa oo laga soo sheegayay Biyo La'aan iyo Abaaro Saameyn ku yeeshay Dadka iyo Duunyada ayaa waxa ay ku tageen Deegaanka Kala sooc oo ka mida deegaanada ay kasoo baxayeen cabashooyinka la xariira Baahiyada Bulshada

Bulshada Deegaankaasi ayaa sheegay in ay ka jirto Deegaanka kala sooc Biyo La'aan kadib markii ay biyihii ku harsanaaa Baraagihii deegaankaasi oo aan horay aysan horay ugu oolin CeelBiyood noocuu doonaba ha noqdee taasina ay keentay Saameeyn Dhanka Nolasha ah

Gudoomiye Ku xigeenka Gobalka Mudug ee Galmudug Badal Liibaan Maxamed ayaa intaas kadib sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaali doonaan gacan ka geysashada baahiyada ay soo gudbiyeen Bulshada Kala sooc oo ay ugu horeeyso tan Biyaha isagoo dhanka kalana ugu baaqay Wasaaradaha ku shaqada leh Baahiyada ka jira deegaankaasi in ay kaalintooda kasoo qaataan iyo qurba joogta kasoo jeeda deegaankaasi meel kasta oo ay kaga nool yihiin Dunida

15/12/2024

Gudoomiye kuxigeenka gobalka mudug DrBadal Sheikh Liban Maho'd ayaa kormeer shaqo ku tagey deegaanada Xingod Dayrkudhac iyo qorya weyn oo dhamaantood laga wadey mashruuca dhismaha xulfadaha sidookale waxa kormeerka shaqada ku wehliyaha Engr Shafici Ali xade Oo ah Wakiilka kambaniga hydrohorn ee galmudug oo ah kambanigii fududeynayey hirgalinta mashruun caan Sidookale Gudoomiye ku-Xigeenka ayaa aad usoodhaweeyey in mashruucaan aadka uweyn laga fuliyo galmudug gaar ahaan gobalka mudug Ugu danbeytii waxa aad uga mahad celiyey bulshadii ku dhaqneyd deegaanada mashruucaan laga wadey iyagoona umahad celiyey cid kaste oo ka qeyb qaadayey mashruucaan

Gudoomiye kuxigeenka gobalka mudug DrBadal Sheikh Liban Maho'd ayaa  kormeer shaqo ku tagey deegaanada Xingod Dayrkudhac...
15/12/2024

Gudoomiye kuxigeenka gobalka mudug DrBadal Sheikh Liban Maho'd ayaa kormeer shaqo ku tagey deegaanada Xingod Dayrkudhac iyo qorya weyn oo dhamaantood laga wadey mashruuca dhismaha xulfadaha sidookale waxa kormeerka shaqada ku wehliyaha Engr Shafici Ali xade
Oo ah Wakiilka kambaniga hydrohorn ee galmudug oo ah kambanigii fududeynayey hirgalinta mashruun caan

Sidookale Gudoomiye ku-Xigeenka ayaa aad usoodhaweeyey in mashruucaan aadka uweyn laga fuliyo galmudug gaar ahaan gobalka mudug

Ugu danbeytii waxa aad uga mahad celiyey bulshadii ku dhaqneyd deegaanada mashruucaan laga wadey iyagoona umahad celiyey cid kaste oo ka qeyb qaadayey mashruucaan

13/12/2024

Gudoomiye-kuxigeenka gobalka mudug dhinaca mashaariicda iyo samafalka Dr Baddal liibaan shiikh maxamed ayaa umahad-celiyey gudiga Hab oo muddo 6:sano ah gacanta ku hayey lacagtii garoonka cabdullahi ciise lagu dhisilaa kuna wareejiey Hay,adda Niis foundation

3 December 2024 *Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug, dhinaca mashaariicda iyo samafalka *Dr. Badal Liban Mohamoud*, iyo ...
03/12/2024

3 December 2024

*Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Mudug, dhinaca mashaariicda iyo samafalka
*Dr. Badal Liban Mohamoud*, iyo Duqa Degmada Gaalkacyo, *Mudane Cabdirahmaan Sheekh Xasan*, ayaa ka qeyb galay daahfurka tababar farsamada gacanta oo lagu qabtay Gaalkacyo, looguna talagalay in ka badan *500 dhallinyaro ah*.

Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada ee Galmudug, masuuliyiin ka socday *WFP* iyo *NRC*, iyo marti sharaf kale.

Dr. Badal ayaa ku tilmaamay tababarka inuu yahay tallaabo muhiim ah oo lagu kobcinayo xirfadaha shaqo ee bulshada Mudug, halka Mudane Cabdirahmaan uu ku booriyay ardayda inay fursaddan uga faa’iideystaan horumarinta noloshooda.

Tababarka ayaa lagu fuliyay iskaashi dhexmaray Dowladda Galmudug iyo hay’adaha taageerada bixiya si loo yareeyo shaqo la’aanta loona horumariyo xirfadaha farsamada.

*Xafiiska Warfaafinta Gobolka Mudug.*

Address

Mudug
Gaalkacyo

Telephone

+252615518866

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Gobalka Mudug Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maamulka Gobalka Mudug Galmudug:

Shortcuts

Share