Yubbe Media production

Yubbe Media production Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Yubbe Media production, Erigavo.

"Yubbe Media Production: Xaqiiqda oo Faahfaahsan, Warar Hufan, iyo Hal-abuur Warbaahineed oo Mustaqbalka Hagaya."🇸🇴
"Waxaan idiin soo gudbin doonaa warar xaqiiqo ah oo faahfaahsan, anagoo diiradda saaraya xogta iyo hufnaanta."

Guurguurte caawa ciin-buu daaqay haduuba shoolada shiikh shariif iyo Gen odowaa uu kulaalay.Xasan ayax ceeb buu kala kul...
03/06/2026

Guurguurte caawa ciin-buu daaqay haduuba shoolada shiikh shariif iyo Gen odowaa uu kulaalay.

Xasan ayax ceeb buu kala kulmayaa weerarka 2-aad uu-ku qaaday Gen odowaa iyo shariifka.

YMP

  WAQDRIYA: General Jaamac OK, Taliye Citile iyo Jaamac Yeey ayaa xalay si rasmi ah ugu soo celiyay ciidamadoodii iyo hu...
03/06/2026

WAQDRIYA: General Jaamac OK, Taliye Citile iyo Jaamac Yeey ayaa xalay si rasmi ah ugu soo celiyay ciidamadoodii iyo hubkoodii Furinta Waqdiriya ee Gobolka Sanaag.

Ciidamada ayaa hadda si buuxda u degay furinta, iyagoo diyaar u ah ilaalinta iyo sugidda xasilloonida deegaanka. 💪

YMP

28 maalmood gudahood waxaan gaarnay 1M+ views 🙌,Hada target-keenu waa 2M 🚀Haddii aad nala socoto, follow saar oo share g...
03/06/2026

28 maalmood gudahood waxaan gaarnay 1M+ views 🙌,Hada target-keenu waa 2M 🚀

Haddii aad nala socoto, follow saar oo share garee ❤️🔥

  : Ciidamo u dhashay beesha dubbays/warsangali ayuu maamulka puntland fadhiisin uga sameeyay deegaanka laag ee magaalad...
31/05/2026

: Ciidamo u dhashay beesha dubbays/warsangali ayuu maamulka puntland fadhiisin uga sameeyay deegaanka laag ee magaalada boosaso u jira 30km.

Maamulka puntland ayaa ciidamo beeleedkan ugu talagalay inay cadaadis ku saaraan xubnaha mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada boosaso.

Xaalada magaalada boosaso ayaa si wayn u huursan iyadoona maamulka puntland 4-ta dhinac ee magaalada boosaso ciidamo dhigtay.

Isha Wararka : Salmaan Kooshin.

   Ilmahan yar ee muuqda sawirka ayaa lagu hayaa  Sallaxa Dhiif ee magaalada Badhan. Waa ilmo yar oo aan hadli karin, wa...
30/05/2026

Ilmahan yar ee muuqda sawirka ayaa lagu hayaa Sallaxa Dhiif ee magaalada Badhan. Waa ilmo yar oo aan hadli karin, waxaana la raadinayaa ehelkiisa ama cid garanaysa.

Kala xiriir: +25907605264.

  YUBBE ✅️: Waxaa si rasmi ah uga furmay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland Dugsiga X.M. Isdeldel Secondary ee Degmada...
30/05/2026

YUBBE ✅️: Waxaa si rasmi ah uga furmay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Puntland Dugsiga X.M. Isdeldel Secondary ee Degmada Yubbe, iyadoo ay ka qayb-galeen masuuliyiin iyo bahda waxbarashada.

Maamulka iyo dhammaan macalimiinta dugsiga sare ee Hajji Mohamed Isdeldel waxay guul iyo farxad u rajaynayaan ardayda fasalka form fourka ah ee maanta u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland State of somalia.
Guulaysta dhammaantiin allah ha idiinku manaysto mustaqbal ifaya.

Ardayda ayaa loo rajeeyay guul iyo natiijooyin wanaagsan, halka sidoo kale la xoojiyay iskaashi waxbarasho oo dhex mara Jaamacadda Golis (Boosaaso) iyo dugsiga, oo ay hoggaaminayeen hawl-wadeennada bahda Golis University – Bosaso oo u hogaaminayaan Mohamed abdirizak omr iyo wafti akle.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo jawi wanaagsan, iyadoo hambalyo loo diray dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed.

Yubbe Media production

  : Dablay hubaysan ayaa xalay habeenimadii magaalada carmo ee gobolka bari ku dishay sakariye.Sida qaar kamida ehelada ...
30/05/2026

: Dablay hubaysan ayaa xalay habeenimadii magaalada carmo ee gobolka bari ku dishay sakariye.

Sida qaar kamida ehelada sakariye xaqiijiyeen ciidamo hubaysan ayaa rasaas ku furay meel uu marayay sakariye eebe ha u naxariistee.
Salmaan Kooshin

  : Ciidamo u dhashay beesha warsangali ayaa saaka ilaa xalay lagu diyaarinayay deegaanka ceeldaahir ee magaalada boosas...
29/05/2026

: Ciidamo u dhashay beesha warsangali ayaa saaka ilaa xalay lagu diyaarinayay deegaanka ceeldaahir ee magaalada boosaso hoostimaada.

Ciidamadan ayaa lagu wadaa inay boosaso ka fuliyaan howlgal aan wali la shaacin , ciidamadan ayaa garab u ah maamulka puntland iyo siciid dani.

Sidoo kale gudaha magaalada boosaso waxaa ku sugan maalmihii lasoo dhaafay siyaasiyiin dhowaan ka yimaaday magaalada muqdisho kuwaasoona hubaysan , maamulka puntland iyo siyaasiyiintan ayaa guluf colaadeed ka dhexeeya , taasoona keentay in la iskusoo hub aruursado.

Gudaha magaalada boosaso waxaa hada ku sugan ciidamado 2-da dhinacba ah maanto u dambaysayna ciidamo ceeldaahir kasoo kicitimay ayaa dhowaan galay gudaha magaalada boosaso.

Isha wararka : salmaan Kooshin.

SANAAG : Degmada Yubbe iyo nawaaxigeeda maanta waxaa si weyn oo nabad ah looga tukaday salaadda Ciidul Adxaa 🕌.Salaadda ...
27/05/2026

SANAAG : Degmada Yubbe iyo nawaaxigeeda maanta waxaa si weyn oo nabad ah looga tukaday salaadda Ciidul Adxaa 🕌.

Salaadda ciidda waxaa lagu tukaday garoonka degmada Yubbe, halkaas oo ay isugu yimaadeen bulshada kala duwan ee deegaanka—haween, carruur, iyo dhalinyaro—kuwaas oo si wadajir ah ugu dabaaldegay maalinta barakaysan 🤝.

27/05/2026

📍Ciidul caafiya Qaraabo.

Address

Erigavo

Telephone

+252906806919

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yubbe Media production posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Yubbe Media production:

Share