02/07/2025
Bahda u adeegayaasha bulsho (Social wokers) ee magaalada Ceerigaabo , oo ka kooban Saddex qaybood oo kala ah ; ururka Sanaag social workers organization (SSWO) iyo ururka ardayda kuliyada arimaha bulshada iyo sharciga ee (SOSSA) ardayda barata cilmiga u adeegista bulshada (Social Work) oo ka socday jaamacada Sanaag
U adeegayaashan bulsho ayaa iska kaashaday inay deeq gaadhsiiyaan buurlayda gobolka Sanaag oo maalintii shalay ahayd dab ka kacay .
Deeqdan la gaadhsiiyay deegaanada gubtay ayaa daaranayd in hoos loo dhigo baahiyaha ka jira deegaanka inta lagu guda jiro dab bakhtiinta.