Dawladda Hoose Ee Degmada Gar'adag

Dawladda Hoose Ee Degmada Gar'adag Soo Bandhigista Wararka Dawlada Hoose Ee Gar'adag.

Maamulka golaha deegaanka ee degmada gar'adag oo ugu h**eeyo duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa shaha...
02/09/2026

Maamulka golaha deegaanka ee degmada gar'adag oo ugu h**eeyo duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa shahaado sharaf ku maamuusay taliyihii h**e ee ciidanka asluubta gobolka sanaag gaashaanle sare maxamed digaale siciid.

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa caasimadda somaliland ee hargaysa kaga qaybgalay Shirweynaha Sadde...
25/08/2026

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa caasimadda somaliland ee hargaysa kaga qaybgalay Shirweynaha Saddexaad ee East Africa City Corridor Dialogue (EACC).

Shirku wuxuu diiradda saaray sidii magaalooyinka ku teedsan marinka dhaqaale ee Bariga Afrika ay si wadajir ah uga faa’iidaysan lahaayeen kobaca ganacsiga, maalgashiga iyo isku-xidhka magaalooyinka, iyadoo la xoojinayo doorka dawladda ee ku waajahan qorshaynta magaalooyinka.

Dhismaha iyo casriyaynta kaabayaasha dhaqaalaha, maalgashiga, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo haweenka, iyo iskaashiga magaalooyinka iyo weliba arimo kale oo badan.

Admin.

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe oo ay weheliyaan qaybo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee degmad...
31/07/2026

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe oo ay weheliyaan qaybo ka mida xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada, maamulka waxbarashada waayeelka iyo waxgaradka tuulada DHOOBA-CANTUUG ayaa xadhiga ka jaray mashaariic horumarineed oo dib u habayn iyo casriyeyn lagu sameeyey, kuwaasi oo dawladda hoose ee degmada gar'adag dayactir balaadhan ku samaysay.

Guriga martida ee DHOOBA-CANTUUG ayey dawladda hoose ee degmada gar'adag xadhiga ka jartay kaasi oo ay dayactir iyo dib u habayn balaadhan ku samaysay.

Sidoo kale waxa duqa degmada gar'adag xadhiga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee DHOOBA-CANTUUG kaasi oo ay iska kaashadeen dib u habayntiisa iyo kordhinta fasallo cusub oo lagu daray wasaaradda waxbarashada gudoomiyaha baanka dhexe iyo isla dawladda hoose ee degmada gar'adag.

Mashaariicdan horumarineed ayey waayeelka iyo waxgaradka deegaanku uga mahadnaqeen dawladda hoose ee degmada gar'adag.

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa xafiis kiisa ku qaabilay wasiirka wasaaradda waxbarashada JSL iyo ...
15/07/2026

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa xafiis kiisa ku qaabilay wasiirka wasaaradda waxbarashada JSL iyo wefti uu hogaaminayey.

Duqa degmada gar'adag oo ay weheliyaan xubnaha golaha deegaanka ee degmada gar'adag ayaa xarunta dawladda hoose kulan kula qaatay, wasiirka wasaaradda waxbarashada somaliland.

Duqa degmada gar'adag ayaa la wadaagay wasiirka baahiyaadka waxbarasho ee degmada ka jira ee u baahan in wax laga qabto, sidoo kalena warbixin guud wasiirka ka siiyey xaalka waxbarasho ee degmada gar'adag iyo deegaanada hoos-yimaada.

Wasiirka ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhoweynta maamulka dawladda hoose ee degmada gar'adag u sameeyeen sidoo kalena sheegay inay ka wasaarad ahaan waxka qabanayaan baahiyaadka waxbarasho ee maamulku usoo gudbiyey.

Duqa degmada gar'adag dr Abdilahi Saleeban oo ay weheliyaan xubnaha golaha deegaanka degmada gar'adag ayaa maanta kulan ...
01/06/2026

Duqa degmada gar'adag dr Abdilahi Saleeban oo ay weheliyaan xubnaha golaha deegaanka degmada gar'adag ayaa maanta kulan xafiiskiisa kula qaatay agaasimaha guud ee wasaaradda tamarta iyo macdanta somaliland shucayb cismaan aw maxamuud.

Waxaanay iska xog waraysteen xaaladda guud ee deegaanka, nabad gelyada, horumarka deegaanka iyo sidii khayraadka deegaanka gaar ahaan macdanta looga faaidaysan lahaa.

Xafiiska warbaahinta dawladda hoose ee degmada gar'adag.

Madaxweynaha JSL md abdirahman mohamed abdilahi "cirro" ayaa qasriga madaxtooyada dalka ku qaabilay ururka dawladaha hoo...
31/05/2026

Madaxweynaha JSL md abdirahman mohamed abdilahi "cirro" ayaa qasriga madaxtooyada dalka ku qaabilay ururka dawladaha hoose ee ALGASAL.

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe oo ka mid ah xubnaha sare ee ururka dawladaha hoose ee ALGASAL ayaa ka mida maayirada badi degmooyinka dalka ee madaxweynuhu qasriga madaxtooyada qaranka somaliland ku qaabilay.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta magaalooyinka md xasan macalin iyo wasiirka wasaaradda madaxtooyada khadar xuseen abdi.

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa magaalada hargeisa kaga qayb galay munaasibad uu xilka gudoomiyeni...
31/05/2026

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa magaalada hargeisa kaga qayb galay munaasibad uu xilka gudoomiyenimo ee ururka dawladaha hoose ee ALGASAL ku wareejiyey duqii h**e ee caasimadda hargaysa md Abdikarim Ahmed Mooge isla markaana lagu wareejiyey duqa cusub ee caasimadda hargaysa dhowaan loo doortay md. Eng. cabdirisaaq maxamed faarax “Wiiwaa”.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa ka soo qayb galay dhammaan xubnaha Golaha Sare ee Ururka ALGASL, kuwaas oo ka kooban 11 maayir oo duqa degmada gar'adag ka mid yahay...

________________________________________
Xafiiska Warbaahinta dawladda hoose ee degmada gar'adag.
________________________________________

Ciidul adxa mubaarik.Waxaan halkan munaasibadda ciidul adxa awgeed hambalyo uga dirayaa shucuubta islaamka gaar ahaan sh...
26/05/2026

Ciidul adxa mubaarik.

Waxaan halkan munaasibadda ciidul adxa awgeed hambalyo uga dirayaa shucuubta islaamka gaar ahaan shacabka iyo madaxda reer somaliland meelkasta oo ay ku sugan yihiin, waxaan sidoo kale ALLE swt inooga rajaynayaa inuu bishan bisheeda inagu gaadhsiiyo nabad qab horumar iyo badhaadhe wanaagsan.

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe.

Ciid mubaarik....

Gudidii qaban qaabada 18may ee degmada gar'adag ee uu dhowaan magacaabay duqa degmada gar'adag, ayaa maanta yeeshay kula...
13/05/2026

Gudidii qaban qaabada 18may ee degmada gar'adag ee uu dhowaan magacaabay duqa degmada gar'adag, ayaa maanta yeeshay kulankoodii u h**eeyey, kaasi oo lagaga hadlay sidii loogu diyaar garoobi lahaa xuska maalinta qaran ee 18ka may....

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa magacaabay gudida qaban qaabada maalinta qaran ee 18may ee degmada...
09/05/2026

Duqa degmada gar'adag dr abdilahi sulieman boobe ayaa magacaabay gudida qaban qaabada maalinta qaran ee 18may ee degmada gar'adag...

Address

Garadag
Erigavo
002

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dawladda Hoose Ee Degmada Gar'adag posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dawladda Hoose Ee Degmada Gar'adag:

Shortcuts

Share