04/07/2025
Tacsi Tiiraanyo Leh
Allaah ha u naxariisto jannooyinkiisana ha ugu deeqo Macallin Rashiid Xaaji Beder, oo maanta ku geeriyooday deegaanka Laanqiciye.
Ustaadku wuxuu ahaa halgamaa aan caadi ahayn, oo noloshiisa u huray la dagaalanka jahliga iyo faafinta cilmiga. Wuxuu ahaa macallin daacadnimo, samir iyo adkaysi isku darsaday, baaskiilkiisana wuxuu u isticmaali jiray sidii uu u gaadhsiin lahaa aqoonta carruurta iyo ardayda ku dhaqan magaalada iyo miyiga Ceerigaabo.
Aniga ahaan, wuxuu ahaa macallinkii ii bilaabay barashada Qur’aanka kariimka, isla markaana dugsiga hoose dhexe ee Surud igu baray maadada sayniska. Markasta oo aan kulanno, wuxuu i waydiin jiray xaaladda waxbarashadayda, heerka aan ka marayo, iyo himilooyinka aan leeyahay. Wuxuu ahaa qof qalbigiisu u nugul yahay ardayda dadaalka iyo tacabka ku jira, mar walbana wuxuu canaanan jiray kuwa waxbarashada ka gaabiya ama aan hormarka ku talaabsan.
Wuxuu igu baray xikmad aan marnaba illoobi doonin:
“Waxbarashadu ma dhammaato, weligaa haka daalin.”
Dhowr iyo labaatanka sano ee aan aqaanay, Macallin Rashiid wuxuu ahaa shaqsi ka duwan inta badan dadka aan la kulmay. Wuxuu lahaa naxariis, dulqaad, iyo ku dhiirrigelinta qof kasta oo rabay horumar. Waxaan aaminsanahay in haddii halgankiisa, dadaalkiisa iyo daacadnimadiisa laga ogaan lahaa dunida horumartay, magaciisa iyo taariikhdiisa lagu xusi lahaa baal dahab ah.
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoyskiisa, ehelkiisa, ubadkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan bahda waxbarashada gobolka sanaag. Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu qabrigiisa u waasiciyo, kana dhigo beer ka mida beeraha jannada, janatul firdowsana ku abaal mariyo.
Samir iyo iimaan saadiq ah Ilaahay ha inaga wada siiyo.
Aamiin.
By: Ahmed Ismail.