17/01/2026
Guddoomiyaha Degmada Ceeldibir 𝐌𝐚𝐡𝐝𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐬𝐡𝐢𝐫𝐝𝐨𝐨𝐧 (𝐒𝐞𝐞𝐟𝐥𝐞) ayaa Maanta Degmada kusoo dhaweeyay Wafdi Wasiiro ah oo ka socday Dowladda Galmudug kuwaas oo socdaal kormeer ah ku yimid Degmada Ceeldibir
Wasiirda ayaa ka koobnaa Wasiirka Gaadiidka Cabdinuur macalin Maxamuud, Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka iyo Wasiir Dowlaha Caafimaadka waxaana kusoo dhaweeyay Degmada Gudoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka, Taliyaha Saldhigyada iyo xubno kale oo maamulka ka tirsan
Wafdiga ayaa kormeeray Isbitaalka, Degmada iyo beeraha ku yaala duleedka Degmada Ceeldibir si loo kobciyo wax soo saarka iyo tabaca
Sidoo kale wasiir Dowlaha Caafimaadkaka Daahir faarax fiidoow ayaa bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha Isbitaalka oo laf-dhabar u ah bulshada Degmadaan Ceeldibir
Guddoomiyaha iyo ku xigeenka ayaa wasiirada ku amaanay safarka lagu kormeerayay ee ay ku yimaadeeb Ceeldibir
Xaafiiska Warbaahinta-Dowladda Hoose Ee Degmada Ceeldibir Galmudug-Somalia