17/08/2026
Hambalyo πΈπ΄
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ururka Galeyr, oo ka tirsanaa Ciidamada Daraawiishta Galmudug, kadib markii uu si dhammaystiran ugu biiray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Tani waa guul weyn oo muujinaysa midnimada, isku-duubnida iyo dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo qaran, kana shaqeeya difaaca dalka iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliyeed.
Ururka Galeyr waxay si rasmi ah uga mid noqdeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan idiin rajaynayaa guul, sharaf iyo horumar,
Guushan iyo farxaddan waxaan si gaar ah ula wadaagayaa dhammaan xubnaha Ururka Galeyr, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Midnimo ciidan waa midnimo qaran. πΈπ΄
Hambalyo Ururka Galeyr!
Hambalyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed!