12/01/2026
Maanta waxaan Magaalada Dhuusamareeb Ka furmay tababar ku saabsan tebinta anshaxa leh ee tacadiyada jinsiga ku salaysan (GBV), kaas oo loogu talagalay wariyaasha Dhusamareb, Tababarkan waxaa soo qaban-qaabisay Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ).
Agaasimaha Tababarada Wasaaradda Warfaafinta Galmudug, Xasan Cabdiraxmaan Aadan Fantastic, oo ka hadlay furitaanka tababarka, ayaa sheegay in wasaaraddu ay mudnaan siinayso tayeynta saxafiyiinta iyo xoojinta anshaxa saxaafadeed. Waxa uu intaa ku daray in wasaaraddu ay sii wadi doonto taageerada tababarro sare u qaadaya xirfadda warbaahinta, gaar ahaan tebinta arrimaha xasaasiga ah ee la xiriira GBV.
Dhanka kale, Nimco Xasan Cabdi, Xoghayaha Abaabulka ee NUSOJ, ayaa ka hadashay ahmiyadda tababarkan. Waxay xustay in warbaahinta ay door muhiim ah ka ciyaarto tebinta tacadiyada jinsiga ku salaysan, iyadoo ku adkaysay in tebintu noqoto mid ku dhisan anshax, asturnaan iyo ilaalinta karaamada dhibbanayaasha, si warbaahintu uga qeyb qaadato wacyigelinta bulshada halkii ay waxyeello kale ka geysan lahayd.
Sidoo kale, Maxamuud Cismaan (Beerey), Xoghayaha Ururka Saxafiyiinta Galmudug, ayaa ka hadlay munaasabadda, isagoo ku dheeraaday doorka ururrada saxafiyiintu ku leeyihiin difaaca xuquuqda wariyaasha iyo horumarinta xirfaddooda. Waxa uu xusay in tababarrada noocan ah ay muhiim u yihiin sare u qaadista anshaxa saxaafadeed, gaar ahaan tebinta arrimaha xasaasiga ah sida tacadiyada jinsiga ku salaysan, wuxuuna wariyaasha ku dhiirrigeliyey inay ka faa’iideystaan aqoonta lagu gudbinayo tababarka.
Ugu dambeyn, Mudane Cilmi Cali Ganey, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, ayaa ku ammaanay NUSOJ dadaalka ay ku horumarinayso saxafiyiinta. Waxa uu sheegay in la dagaallanka tacadiyada jinsiga ku salaysan uu u baahan yahay wada-shaqeyn buuxda oo ay ka qeyb qaataan dowladda, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah. Waxa uu sidoo kale ku boorriyey wariyaasha Dhuusamareeb inay noqdaan codka kuwa la dulmay, kana shaqeeyaan faafinta wacyiga iyo ilaalinta xuquuqda dhibbanayaasha.
Wasaaradda Warfaafinta, Hanuuninta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug