Wasaaradda Caafimaadka Galmudug

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Bogaan waa kan rasmigaa ee Wasaaradda Cafimaadka Galmudug. This is the official page

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ...
13/09/2026

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Xarunta Caafimaadka Deegaanka Baraag-Ciise, halkaas oo uu u kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad ee xarunta iyo baahiyaha caafimaad ee bulshada deegaanka.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Galmudug.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirka ayaa dhagax-dhigay ballaarinta Xarunta Caafimaadka Baraag-Ciise, oo ay bulshada deegaanka iska kaashadeen dhismaheeda iyo horumarinteeda. Tallaabadan ayaa muujinaysa dadaalka iyo isku-duubnida bulshada deegaanka ee ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka.

Ugu danbeyn Wasiir Daahir ayaa bogaadiyey dadaalka ay bulshada deegaanka ugu jirto dhismaha iyo ballaarinta xarunta, isagoo xusay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ay garab taagan tahay bulshada, isla markaana ay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka.

Baxdo, 13 September 2026.Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fii...
13/09/2026

Baxdo, 13 September 2026.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa booqasho shaqo ku tagay Isbitaalka Degmada Baxdo iyo Xarunta Caafimaadka Maarsame, halkaas oo uu u kuurgalay xaaladda adeegyada caafimaad iyo baahiyaha ka jira xarumahaasi.

Wasiirka waxaa booqashada ku wehliyey Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirku wuxuu kulan la qaatay maamulka iyo shaqaalaha xarumaha caafimaadka, isagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan howlaha maalinlaha ah, caqabadaha horyaalla, baahiyaha qalabka caafimaad, daawooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka u ah bulshada deegaanka. Waxa uu sidoo kale dhiirrigeliyey shaqaalaha caafimaadka, isagoo ku boorriyey inay sii wadaan dadaallada ay ugu adeegayaan bulshada.

Ugu dambeyn, Wasiir Dowlaha ayaa sheegay in Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug ay sii wadi doonto kormeerka iyo taageerada xarumaha caafimaadka, si loo hubiyo in bulshada deegaanka Baxdo, Maarsame iyo deegaanada ku xeeran ay helaan adeegyo caafimaad oo ku filan, hufan, kana jawaaba baahiyahooda.

Dhuusamareeb, 12 September 2026.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Ca...
12/09/2026

Dhuusamareeb, 12 September 2026.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan isku-dhafka adeeg bixinta tallaalka, kaas oo loo qabanayo xarumaha caafimaadka ee Gobolka Galgaduud.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo xoojin lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha caafimaadka, gaar ahaan habka isku-dhafka ah ee loo bixiyo adeegyada tallaalka, si loo xaqiijiyo in bulshada ay hesho adeegyo tallaal oo tayo leh, joogto ah, isla markaana si hufan uga hirgala xarumaha caafimaadka iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud.

Tababarka waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug iyo Jaamacadda Jazeera, iyadoo ujeeddadu tahay in la xoojiyo iskaashiga hay’adaha caafimaadka iyo kuwa waxbarashada, lana horumariyo tayada adeegyada caafimaad ee bulshada.

Intii uu socday furitaanka tababarka, Agaasimaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay kor u qaadista awoodda shaqaalaha caafimaadka iyo joogteynta adeegyada tallaalka, isagoo ku boorriyey ka qaybgalayaasha inay si wanaagsan uga faa’iideystaan tababarka, kuna dabaqaan aqoonta iyo xirfadaha ay ka kororsadaan goobaha ay ka howlgalaan.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug waxay sii wadi doontaa dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka iyo tallaalka, iyadoo iskaashi dhow la yeelanaysa hay’adaha iyo bah-wadaagta caafimaadka, si loo gaaro bulsho caafimaad qabta iyo adeegyo caafimaad oo tayo leh.

Dhuusamareeb, 12 September 2026.Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Ca...
12/09/2026

Dhuusamareeb, 12 September 2026.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Maareynta Isku-dhafan ee Cudurrada ku Dhaca Dhallaanka iyo Carruurta (IMCI).

Tababarkan oo socon doona muddo 7 Cisho ah ayaa ujeedadiisu tahay sidii sare loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadda howlwadeenada xarumaha caafimaadka ee uu tageero Mashruuca JRP iyadoo lagu tababarayo habka Caalamiga ah ee Maareynta Isku dhafan ee daweynta Cudurada ku dhaca Dhallaanka iyo Caruurta

Tababarka waxaa ka soo qayb galay madax iyo khubaro ka socota Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, hay’ado caafimaad iyo bah-wadaag kale oo ka shaqeeya horumarinta adeegyada caafimaadka.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, gaar ahaan kor u qaadista tayada daryeelka caafimaad ee carruurta ku nool deegaannada Galmudug.

Dhuusamareeb, 07 September 2026.Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faa...
07/09/2026

Dhuusamareeb, 07 September 2026.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Daahir Faarax Fiidow, ayaa shir-guddoomiyey Shirka Qiimeynta iyo Qorsheynta Toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, kaas oo si habsami leh uga qabsoomay xarunta dhexe ee Wasaaradda.

Shirka waxaa ka qeybgalay Agaasime-waaxeedyada, Madax-qeybeedyada iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda, kuwaas oo si wadajir ah uga qeyb qaatay qiimeynta howlaha shaqo ee socda iyo qorsheynta mudnaanta leh ee toddobaadka.

Intii uu shirku socday, waxaa warbixinno ku saabsan waxqabadka, howlaha socda, caqabadaha jira iyo qorshayaasha shaqo laga dhageystay Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda. Warbixinnada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada, dardargelinta howlaha Wasaaradda iyo xaqiijinta in qorshayaasha shaqo si hufan loo fuliyo.

Wasiir Dowlaha Daahir Faarax Fiidow ayaa intii uu shirku socday ku adkeeyey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaradda muhiimadda ay leedahay is-xisaabtanka, wada-shaqeynta, hufnaanta iyo joogteynta qiimeynta howlaha, si loo xaqiijiyo in bulshada Galmudug ay hesho adeegyo caafimaad oo tayo leh oo la jaanqaadaya baahiyahooda.

Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyey qorshe-hawleedyo iyo talooyin lagu dardargelinayo howlaha Wasaaradda, iyadoo madaxda waaxyaha lagu boorriyey inay si joogto ah ula socdaan fulinta qorshayaasha iyo waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Hirgelinta istaraatiijiyaddan waxay u baahan tahay  iskaashi dhab ah oo mideeya dowladda, bulshada iyo dhammaan bahwadaa...
03/09/2026

Hirgelinta istaraatiijiyaddan waxay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo mideeya dowladda, bulshada iyo dhammaan bahwadaagta, si loo gaaro himilooyin waara oo bulshada anfaca.

03/09/2026

Daahfurka iyo Daadejinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Caafimaadka Bulshada 2025–2029.

DAAHFURKA IYO DAADEJINTA ISTARAATIIJIYADDA QARAN EE CAAFIMAADKA BULSHADA 2025–2029Dhuusamareeb, 03 September 2026.Wasiir...
03/09/2026

DAAHFURKA IYO DAADEJINTA ISTARAATIIJIYADDA QARAN EE CAAFIMAADKA BULSHADA 2025–2029

Dhuusamareeb, 03 September 2026.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray munaasabadda Daahfurka iyo Daadejinta Istaraatiijiyadda Qaranka ee Caafimaadka Bulshada 2025–2029, taas oo muhiim u ah xoojinta adeegyada caafimaadka bulshada iyo horumarinta nidaamka caafimaadka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirro, Xildhibaano, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Duqa Caasimadda Dhuusamareeb, masuuliyiin kale ka tirsan hay’adaha dowladda, saraakiil iyo wakiillo ka socday Hay’adda UNICEF, hay’adaha bahwadaagta la ah Wasaaradda, iyo qeybaha kala duwan ee daneeyayaasha caafimaadka.

Daahfurka istaraatiijiyaddan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo caafimaadka bulshada, tayeynta adeegyada caafimaad, gaarsiinta adeegyada bulshada meelaha ay u baahan yihiin, iyo horumarinta wada-shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo bahwadaagta caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay istaraatiijiyaddan u leedahay horumarinta caafimaadka bulshada, isagoo adkeeyay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay hirgelinta qorshayaasha caafimaad ee lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in hirgelinta istaraatiijiyaddan ay u baahan tahay iskaashi iyo isku-duubni ka dhex dhalata Dowladda Galmudug, bulshada, hay’adaha caafimaadka iyo dhammaan bahwadaagta taageerta horumarinta caafimaadka, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xaqiijinta himilooyinka iyo yoolalka istaraatiijiyadda.

WAFDI KA SOCDA WASAARADAHA CAAFIMAADKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO GALMUDUG IYO  HAY’ADDA UNICEF OO BOOQASHO KU TAGAY ISBITA...
03/09/2026

WAFDI KA SOCDA WASAARADAHA CAAFIMAADKA DOWLADDA FEDERAALKA IYO GALMUDUG IYO HAY’ADDA UNICEF OO BOOQASHO KU TAGAY ISBITAALKA WEYN EE GOBOLKA GALGADUUD IYO ISBITAALKA DAYAX

Dhuusamareeb, 03 September 2026.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Abdiwalis Mohamed, ayaa maanta Isbitaalka Weyn ee Gobolka Galgaduud iyo Isbitaalka Dayax ku soo dhaweeyey wafdi ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Carruurta ee UNICEF.

Wafdiga waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Waaxda Adeegga Caafimaadka Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Cabdi Shube; Madaxa Mashruuca Marwo Caafimaad, Dr. Cabdulsalaam Maxamuud; Kebir Hassen, Madaxa Caafimaadka ee UNICEF Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda Caafimaadka.

Intii ay booqashadu socotay, wafdiga UNICEF ayaa kormeer ku sameeyey qeybaha kala duwan ee labada isbitaal, iyagoo si gaar ah u qiimeeyey Cold Chain-ka, oo ah nidaamka lagu ilaaliyo laguna keydiyo tallaallada iyo agabka caafimaad ee u baahan heerkul gaar ah.

Sidoo kale, wafdigu waxa uu indha-indheyn ku sameeyey dhismaha cusub ee Isbitaalka Weyn ee Gobolka Galgaduud, kaas oo maraya heer gebogebo ah, si loo qiimeeyo xaaladda dhismaha iyo diyaar garowga adeegyada caafimaad ee mustaqbalka.

02/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, ayaa maanta xarunta dhexe ee Wasaaradda ku soo dhaweeyey wafdi sare oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF, kaas oo uu hoggaaminayey Mudane Kebir Hassen, Madaxa Caafimaadka ee UNICEF Soomaaliya.

Address

18
Dhuusamarreeb

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Caafimaadka Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Caafimaadka Galmudug:

Shortcuts

Share