30/03/2026
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Cumar Cusmaan Ciid, ayaa ka qeyb galay munaasabad ka dhacday degmada Guriceel, taas oo lagu wareejinayay gaari cagaf ah oo loogu talagalay iskaashatada beeraleyda degmada.
Hay’adda IRC oo kaashaneysa Wasaaradda Beeraha Galmudug ayaa fulisay mashruucan muhiimka ah, kaas oo ujeedkiisu yahay horumarinta wax-soo-saarka beeraha iyo taageeridda beeraleyda deegaanka.
Munaasabadda waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Degmada Guriceel, iskaashatada beeraleyda, iyo masuuliyiin kale oo ay ka mid yihiin isu-duwaha IRC ee Galmudug iyo maamulaha mashruuca.
Agaasimaha oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in gaari cagafkan uu yahay fursad muhiim ah oo kor loogu qaadayo wax-soo-saarka beeraha, islamarkaana uu wax weyn ka tari doono horumarinta nolosha beeraleyda iyo kobcinta dhaqaalaha deegaanka. Wuxuu sidoo kale xusay in Wasaaraddu ay sii wadi doonto dadaallada lagu taageerayo beeraleyda iyo horumarinta beeraha Galmudug.
Masuuliyiintii kale ee halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in gaari cagafkan uu door weyn ka qaadan doono kobcinta dhaqaalaha, horumarinta beeraha, iyo xoojinta u-adkeysiga bulshada ee isbeddelada jira.