02/08/2026
Waxaa maanta qabsoomay shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Galmudug.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada bulshada, kor u qaadidda hufnaanta shaqada dowladda, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha si loo hubiyo adeeg-bixin tayo leh oo waxtar u leh shacabka.
Sidoo kale, Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madaxa-bannaan ayaa isla qaatay in Agaasimayaasha, xirfadlayaasha, iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay hubiyaan habsami usocodka Jadwalka shaqada
— Dhammaad —