07/10/2023
War-murtiyeedka shirka wadatashiga Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Baydhabo 03—05 Oktoober, 2023: Shirka wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah iyo Waaxda Warbaahinta Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa lagu soo gabagabeeyay Maagaalada Baydhabo ee Caasimadda ku meel gaarka ah ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya.
Shirkan Wadatashiga Wasaaradaha Warfaafinta dalka, waxaa shir guddoomiyay Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay Wasiirada Warfaafinta dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka & Agaasimaha guud ee Warfaafinta Gobolka Banaadir,
Agaasimayaasha Guud ee Wasaradaha Warfaafinta dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha, La taliyayaasha wasaarada iyo howl-wadeeno kale.
Shirka oo socday muddo Saddex maalmood ah, ayaa waxaa diiradda lagu saaray qodobadan soo socda:
1. Dib eegista waxyaabihii ka soo baxay shirarkii h**e.
2. Ansixinta qorshe hawleedka hirgalinta Istaraatiijiyadda Qaran ee isku xirka xiriirka Warbaahinta. ( National Communication Strategy Implementation Plan).
3. Ka doodista Hirgelinta hawlaha hor-tebinta leh sida Wacyigalinta, Jiheynta iyo daadajinta Farriimaha Warbaahinta ee adeegyada bulshada.
4. Dib u eegista wixii ka qabsoomay hindisaha horumarinta Raadiyayaasha.
5. Soo bandhigista qorshayaasha, Istaraatiijiyadaha iyo xeerarka muhiimka u ah hawlaha wasaaradaha iyo gobolka Banaadir.
6. Dejinta hannaanka wadashaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo gobolka Banaadir inta lagu jiro hirgelinta hawlaha hor yaalla Wasaaradaha Warfaafinta Dalka.
Dood iyo Falanqeyn dheer kadib:
1- Waxaa ka qeyb galayaashu isla qaateen Qaab dhismeedka xafiiska isku xirka xiriirka Warbaahinta ( GCO) iyo Qorshe hawleedka Istaraatiijiyadda ee la iskula waafaqay shirkii diyaarinta qorshaha Istaraatiijiyadda qaran ee isku xirka xiriirka warbaahinta ee ka dhacay magaalada Muqdisho 01-dii iyo 02-dii bishan Oktoober 2023.
2- Waxay Wasiiradu ammaaneen Madaxweynaha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, oo hadda hogaaminta dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaariijta u jooga magaalada Dhuusamareeb.
3- Iyadoo la tixgelinayo xaaladaha dagaalka Khawaariijta iyo kuwa masiibooyinka ee dalku uu ku jiro ama ku soo fool leh, loona baahan yahay wacyigelin mideysan, ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Agaasinka Warbaahinta Gobolka Banaadir, waxay soo jeediyeen in guud ahaan howlaha Wacyigelinta dalka iyo isku xirka xiriirka warbaahinta looga dambeeyo Wasaaradaha Warfaafinta Federaalka, dowladaha xubnaha ah iyo Agaasinka warbaahinta gobolka Banaadir.
4- Si looga fogaado Isbarbar-yaaca wararka dowladda, howlaha wacyigelinta, loona mideeyo farriimaha guud ee wacyigelinta, ayaa shirku wuxuu isla qaatay in Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee dowladda Federaalka ah ay qabanqaabiso shir deg-deg ah oo ay isugu yeereyso hay’adaha Dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ku hawlan fulinta iyo maalgelinta howlaha wacyigelinta dalka.
5- Mas’uuliyiinta, oo ka jawaabaya xaaladaha deg deg ah ee la xiriira Khatarta iyo xaaladaha bani’aadamnimo ee ka dhalan kara roobka dabaylaha wata ee Elnino, waxay isku raaceen kordhinta farriimaha wacyigelinta, si bulshada loogu baraarujiyo qataraha ka imaan kara.
6- Mas’uuliyiinta Wasaaradaha Warfaafinta iyo Agaasinka Warfaafinta gobolka Banaadir, ayaa isla gartay in goobaha laga xoreeyo khawaarijta si deg deg ah loo gaarsiiyo idaacado, si farriinta saxda ah ay u gaarto deegaanadaas .
7- Waxaa Wasiirradu ay sidoo kale isla garteen in si deg deg ah Wasaaradaha Warfaafintu ay goobahaasi uga fuliyaan Barnaamijyo Warbaahineed oo la xiriira wacyigelinta dadaalada xasilinta iyo Dowlad wanaagga.
8- Wasaaradaha Warfaafinta Dalka iyo Agaasinka Warbaahinta Gobolka Banaadir, ayaa isku raacay xoojinta wadashaqeynta wasaaradaha Warfaafinta iyo agaasinka Warbaahinta Gobolka Banaadir.
9- Mas’uuliyiinta waxa ay isla qaateen in la horumariyo Waaxyaha Dhaqanka iyo Dalxiiska oo mudnaan u leh dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
10- Ka qeybgalayaasha shirka, ayaa isku raacay in shirkan, shirka xiga lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowladda Galmudug si looga wada hadlo wixii ka qabsoomay shaqooyinka lagu balamay iyo wixii caqabad ah ee ka soo noqday.
11- Ka qeybgalayaashu, waxay u mahadceliyeen guud ahaan saaxiibada Soomaaliya, si gaar ah xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, oo taageeray qabsoomidda shirkan, si joogta ah u garab taagan dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.
12- Ugu dambeyn ka qeybgalayaashu waxay mahad iyo boggaadin u jeedinayaan Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-galinta bulshada ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed oo marti galisay shirkan, isla markaana xaqiijisay hab sami u qabsoomidda shirka wadatashiga ee Wasaaradaha Warfaafinta iyo Agaasinka Warbaahinta gobolka Banaadir.
-Dhammaad-