04/02/2026
Madaxweyne kuxigenka Galmudug oo furay Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030)
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa maanta si rasmi ah magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, uga furay Shirka La-tashiga Dowladda Galmudug ee Qorshaha Istaraatiijiga ah ee Hay’adda WFP (WFP Country Strategic Plan 2026–2030).
Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Galmudug, ayaa ujeeddadiisu tahay in la xaqiijiyo is-waafajin buuxda oo u dhexeeya Qorshaha Istaraatiijiga ah ee WFP iyo Qorshaha Isbeddelka Galmudug 2026–2030, si loo xoojiyo hoggaaminta dowladeed, lahaanshaha qaranka, iyo saameynta waarta ee barnaamijyada la fulinayo.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Cabdullaahi Dhagacade, ayaa faahfaahin ka bixiyay muhiimadda shirka, isagoo xusay in ka-qaybgalayaasha lagala tashanayo qaabka, mudnaanta, iyo jihada mashaariicda horumarinta, xasilinta, iyo gargaarka bini’aadannimo ee shanta sano ee soo socota laga hirgelin doono Galmudug.
Shirka waxaa ka qeyb galay wasiiro, xildhibaano, agaasimayaal guud, maamulka degmooyinka, iyo madax kale oo dowladeed, kuwaas oo door muhiim ah ka qaadanaya dejinta aragti mideysan oo ku saabsan horumarinta iyo adkeynta adkeysiga bulshada.
Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa ku ammaanay ka-qaybgalayaasha shirka doorkooda firfircoon iyo ka-qaybqaadashadooda wax ku oolka ah, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadatashi ballaaran iyo iskaashi dhow si loo gaaro natiijooyin waara oo wax ku ool ah.