09/09/2026
Guddoomiyaha Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska ee Deg. Ceel afweyn Mudane Mahad Barre Cawed Cawke ayaa Maxamed Saalax Siciid u magacaabay maamulaha cusub ee Dugsiga H/dhexe ee Bixin, si loo dardar-geliyo adeegga Dugsigaasi siiyo bulsho weynta magaaladaas. Maamulahan cusub oo h**e u ahaa maamule-ku-xigeenkii Dugsiga ayuu Guddoomiyuhu u xushay inuu dugsigaas maamulo, isaga oo laga filayo isbeddel.
Maamulihii h**e ee Dugsigaas C/qaaddir Ibraahim Aadan ayuu Guddoomiyuhu uga mahar-celiyey muddadii uu dugsigaasi soo maamulayey, isla markaana wuxu faray inuu muddo kooban Gudaheed ku diyaariyo xil-wareejin.