15/12/2025
Sida gaajada loo sameeyo, aqri sida laguu marin habaabiyey
Malaayiin dad ah ayaa dunida maanta ku nool faqri iyo gaajo joogto ah, inkasta oo dunidu soo saarto cunto ku filan in ka badan baahida dadka ku nool. Su’aasha dhabta ahi ma aha “maxaa cunto la’aantu u dhacday?”, balse waa “yaa xukuma cuntada iyo sideese loo maamulaa?”
Cilmi-baarayaal badan ayaa ku dooday in gaajadu marar badan aysan ahayn musiibo dabiici ah, balse ay tahay natiijo ka dhalatay go'aano siyaasadeed, dhaqaale, iyo mid nidaamsan.
Nidaamka cunnadu maanta waa hub aamusan oo wadamada iyo shucuubta lagu laayo, iyadoo aan la arkaynin, taas waxaa lagu micneyn karaa inay ka halis badnaa karto sida hubku wax u dilo, kaaga sii darane shirkadaha waaweyn iyo dowladaha saamaynta caalamiga ah leh waxay rabaan in bulshooyinka faqriga ah lagu sii haayo gaajada.
1. Gaajo ay siyaasad keentay ee aan ahayn dabiici
Amartya Sen, oo ah dhaqaale-yahan caan ah, kuna guuleystay Nobel Prize, ayaa si cad u sheegay:
“Gaajo ma timaaddo cunto yari awgeed, balse waxay timaaddaa marka dadka laga qaado awooddii ay cuntada ku heli lahaayeen.” Buuugga Amartya Sen – Poverty and Famines, Bogga 1–3.
Sen wuxuu cadeeyay in dalal badan oo gaajo ka dhacday ay heli kareen cunto ku filan, balse ay jireen nidaamyo dadka ka hor istaagay helitaanka cuntada—sida dagaal, gumeysi, ama suuq xiran oo dad gaar ah ay maamulaan.
2. Sida wadamada faqriga ah looga leexiyo isku filnaanshaha cuntada
Inkasta oo hay’adaha sida FAO iyo WFP ay ku shaqeeyaan magaca gargaar, haddana buugaag badan ayaa dhaliilaya qaabka ay wadamada saboolka ah ugu sii xirayaan gargaar joogto ah, halkii ay ka qayb qaadan lahaayeen wax-soo-saar gudaha ah.
William Easterly buugiisa The White Man’s Burden, Bogga 40–52 wuxuu ku sheegay in gargaar badan:
• Lagu burburiyo suuqa beeraleyda maxalliga ah
• Lagu abuuro ku-tiirsanaan joogto ah
Marka raashinka bilaashka ah la keeno, beeraleyda maxalliga ah:
• Ma iibin karaan wax-soo-saarkooda
• Way joojiyaan tacbashada
• Dalka wuxuu sii noqdaa mid cunto soo dejista
3. Gumaysiga Abuurka
Mid ka mid ah doodaha ugu culus ee mowduucan ka taagan waa xakamaynta abuurka (seeds), taas oo sanadihii dambe noqotay goobta dagaalka.
Stolen Harvest Bogga 12–25
Vandana Shiva waxay ku dooday in:
• Shirkado waaweyn ay la wareegeen abuurkii micnaha lahaa
• Beeraleyda lagu qasbay inay iibsadaan abuur ay shati u goosanayaan
• Abuurkaas aan dib loo beeran karin
Tani waxay keentay:
• Ku-tiirsanaan shirkado shisheeye
• Kharash joogto ah
• Baabi’inta madaxbannaanida cunnada
4. Ganacsiga cuntada ee caalamiga ah
Shirakadaha waaweyn ee leh dhaqaale xooggan ayaa xirtay suuqyada cunnada, marinada maraakiibta, Lojistikada iyo canshuuraha la saaro cuntadu dhammaantood waa kuwa saamayn ku leh qiimaha cuntada.
Arrintaas waxaa soo hoos galaya nuucyada cuntada ee dadka laga dhaadhiciyey inay fiican tahay, si dhaqaalahooda loo qaato, tusaale shirkadhaa waaweyn waxay bulshooyinka caalamka ka dhaadhiciyeen in Hamburger ka McDonald uu ka wanaagsan yahay Ugaalida ama Cambuulada, tani waa falsafad dhaqaale oo aan hal maalin lagu samayn.
5-faafinta sharta
Mid ka mid ah aaladaha ay isticmaalayaan quwadaha shisheeye si ay gaajada aysan uga bixin bulshooyinka jilicsan waa in sharta loo badiyo, iyadoo lagu furayo dagaallo aan dhamaad lahayn, kala qaybsanaan bulsho iyo jahligu inuu faafo, arrimahaas waxay bulshada daah ka saarayaan inay dantooda gartaan oo ay wax tacbadaan.
Soomaaliya oo ah wadan khayraad badan leh, maanta qiyaasta hay'adaha samafalku sheegayaan waa in 5 milyan oo ruux ay u baahan yihiin kaalmo deg deg ah, kuwaas oo hadda wajahaya cuno la'aan, tani waa raadka colaadaha iyo u nuglaashaha isbadalka cimilada.
Maxaa xal ah
Si looga baxo gaajada, waa in ahmiyad la siiyaa waqtiga fog, iyada oo aan meesha laga saaraynin marxaladda hadda taagan oo ah caawinta kuwa gaajoonaya.
1- Kobcinta wax soo saarka gudaha
Soomaaliya oo leh in ka badan 8-milyan oo Hector oo ah dhul beereed, 3-wabi iyo ilo biyo waxay u baahan tahay in si xooggan loogu dhiirado maalgashiga beeraha.
2-Dhiiri gelinta beeraleyda
Waa in la helaa Bankiyo maalgaliya beeraleyda, si ay u helaan hanti ay ku qabtaan hawlaha wax soo saarka, muddo dheerna u siiya inay lacagta soo celiyaan, iyada oo aan ribo lahayn.
3-Kaalinta dowladda
Dowladdu waa inay beeraleyda ka saacidaa inay helaan dhul ay beertaan, tani waxay u baajin kartaa lacag badan oo ay maalgalin ku samayn karaan, badalki ay dhul ku gadi lahaayeen, sidoo kale waa inay u damaanad qaadaa inay beec u helaan dalagyadooda.
4-Dowladdu waa inay xoojiso siyaasadeeda sugnaanta cuntada, ayna kontoroosho waqtiga ay suuqyada soo galayaan cunooyinka cawibada ah, si tartiib ahna u yaraysaa ku tiirsanaanta cuntada dibadda ka imanaysa.
Tallaabooyinkaas oo si wada jir ah loo qaadaa waxay kaalin ka geysan karaan yareynta gaajada mustaqbalka dhexe.