Dowladda hoose ee Degmada Cadaado

Dowladda hoose ee Degmada Cadaado Waxaad boggaan ka heleysaa wararka rasmiga ah ee Dowlada Hoose ee Degmada Cadaado

📍 Dhusamareeb, 21 April 2026Gudoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa ka qayb galay gunaanadka Sh...
21/04/2026

📍 Dhusamareeb, 21 April 2026

Gudoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa ka qayb galay gunaanadka Shirweynaha 1-aad ee Maalgelinta Caafimaadka Galmudug oo maalmahan ka socday caasimadda Galmudug ee Dhusamareeb.

Shirweynahan muhiimka ah ayaa waxaa si rasmi ah uga qayb galay Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Galmudug, Dr. Maxamed Nuur Gacal, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Marwo Faadumo Cabdi Cali, wasiiro,xildhibaanno ka tirsan Dowladda Galmudug iyo marti sharaf kala duwan.

Shirkan ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iyo maalgelinta adeegyada caafimaadka, iyadoo la isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamka caafimaadka si loo daboolo baahiyaha bulshada Galmudug.

Dhuusamareeb, 21 April 2025Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa xalay ka qayb galay kulan m...
21/04/2026

Dhuusamareeb, 21 April 2025

Guddoomiyaha Degmada Cadaado, Mudane Faarax Diiriye Warsame, ayaa xalay ka qayb galay kulan muhiim ah oo uu Madaxweynaha Galmudug la yeeshay guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ayaa kulankan diiradda ku saaray arrimo muhiim u ah dowlad-dhiska iyo xaaladda guud ee deegaannada Galmudug.

Kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladda abaaraha iyo saameynta ay ku yeesheen bulshada, iyadoo Madaxweynaha uu ku ammaanay masuuliyiinta heer degmo dadaalka iyo abaabulka ay muujiyeen, gaar ahaan sida ay uga falceliyeen xaaladaha adag ee bani’aadantinimo.

Sidoo kale, arrimaha amniga ayaa qeyb weyn ka ahaa ajandaha kulanka, waxaana ugu dambeyn Madaxweynaha uu faray guddoomiyeyaasha in ay si buuxda ugu diyaar garoobaan doorashooyinka soo socda, isla markaana ay la shaqeeyaan guddiyada arrimahaas u xilsaaran ee iman doona deegaannada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

Cadaado, 06-April-2026:-Gudoomiyaha degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame iyo dhamaan Howlwadeena kale ee degmad...
06/04/2026

Cadaado, 06-April-2026:-Gudoomiyaha degmada Cadaado Mudane Faarax Diiriye Warsame iyo dhamaan Howlwadeena kale ee degmada waxay Tacsi tiiraanyo leh u diraayaan Agaasime Waaxda Howla Guud iyo Guryeenta degmada Mudane Ismaaciil Xirsi Xassan oo uu Aabihii saakay geeriyoodey.

———————————————————————
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka Dadwaynaha
Email:[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

Guriceel | 29 Maarso 2026Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada Cadaado Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin) ayaa maanta ka q...
29/03/2026

Guriceel | 29 Maarso 2026

Gudoomiye Ku-xigeenka Degmada Cadaado Mudane Cabdixakiin Maxamed Cali (Shilin) ayaa maanta ka qeyb galay Shirka Madasha Maayarada Galmudug oo si rasmi ah uga furmay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Shirkan oo ah mid sanadle ah, isla markaana sanadkii afaraad si xiriir ah loo qabanayo, ayaa waxaa ka qeyb galaya xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Galmudug, Agaasimeyaal Guud, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, iyo Maayarada degmooyinka kala duwan ee Galmudug.

Inta uu shirku socdo, waxaa diiradda lagu saari doonaa: 🔹 Dib-u-eegista waxqabadka dowladaha hoose
🔹 Is-weydaarsiga khibradaha iyo aqoonta
🔹 Xoojinta amniga iyo wada-shaqeynta
🔹 Horumarinta xiriirka dowladaha hoose iyo hay’adaha kale ee dowladda
Sidoo kale, waxaa si qoto dheer loo falanqeyn doonaa caqabadaha jira, iyadoo la raadinayo xalal waara oo wax ku ool ah, si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo kobcinta dowladnimada hoose.

Shirka Madasha Maayarada Galmudug ayaa la filayaa inuu noqdo mid horseeda is-afgarad, iskaashi miro-dhal ah, iyo qorshe mideysan oo lagu dardargelinayo horumarka iyo xasilloonida guud ee degmooyinka iyo deegaannada Galmudug.

📌 Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha Degmada Cadaado
📧 [email protected]
🌐 Website: https://Cadaado.gm.so
📘 Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11
🐦 Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

28/03/2026

Maamulka degmada Cadaado uu hogaaminaayo xoghayaha Dowlada hoose Degmada Cadaado ayaa maanta olole nadaafadeed ka fuliyey Waaxaha Degmada.

Cadaado, 28,Mar, 2026:- Ololehaan nadaafadeed oo ah mid sare loogu qaadaayo naafada iyo bilicda degmada ayaa maanta maamulka oo kaashanaya Ciidanka Police-ka, hawlwadeenada waaxaha Degmada, Ururada Bulshada iyo Madasha Bulsho Kaab waxa uu ka sameeyey afarta waaxood ee degmada Cadaado.

Xoghayaha Dowlada hoose Cabdirahman ahmed xirsi ayaa horkacayey ololahan nadaafadeed, waxaana uu hawlwadeenada waaxaha ku bogaadiyey sida ay isugu xilqaameen danta guud.

Maamulka degmada ayaa ku hawlan olole ballaaran oo sare loogu qaadayo bilicda degmada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL�
Website: https://Cadaado.gm.so�
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado�

Maamulka degmada Cadaado uu hogaaminaayo xoghayaha Dowlada hoose Degmada Cadaado ayaa maanta  olole nadaafadeed ka fuliy...
28/03/2026

Maamulka degmada Cadaado uu hogaaminaayo xoghayaha Dowlada hoose Degmada Cadaado ayaa maanta olole nadaafadeed ka fuliyey Waaxaha Degmada.

Cadaado, 28,Mar, 2026:- Ololehaan nadaafadeed oo ah mid sare loogu qaadaayo naafada iyo bilicda degmada ayaa maanta maamulka oo kaashanaya Ciidanka Police-ka, hawlwadeenada waaxaha Degmada, Ururada Bulshada iyo Madasha Bulsho Kaab waxa uu ka sameeyey afarta waaxood ee degmada Cadaado.

Xoghayaha Dowlada hoose Cabdirahman ahmed xirsi ayaa horkacayey ololahan nadaafadeed, waxaana uu hawlwadeenada waaxaha ku bogaadiyey sida ay isugu xilqaameen danta guud.

Maamulka degmada ayaa ku hawlan olole ballaaran oo sare loogu qaadayo bilicda degmada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL�
Website: https://Cadaado.gm.so�
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado�

Magaalada Cadaado oo si weyn looga ciidayCadaado,20-mar- 2026.  maamulka degmada iyo mas'uuliyiin kale ayaa boqolaal dad...
20/03/2026

Magaalada Cadaado oo si weyn looga ciiday

Cadaado,20-mar- 2026. maamulka degmada iyo mas'uuliyiin kale ayaa boqolaal dadweyne ah salaadda ciidda kula Tukaday fagaare ku yaal magaalada Cadaado.

Xoghayaha degmada Cadaado Cabdiraxmaan Axmed Xirsi ayaa bulshada kula dardaarmay inay ilaaliyaan nidaamka iyo amniga magaalada maalmaha ciidda oo ah kuwa aad u mashquul badan.

Sidoo kale xoghayaha ku baaqay in la caawiyo dadka damyarta ah oo looga faa'iideeyo udxiyada.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Email: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Cadaado11?mibextid=ZbWKwL
Website: https://Cadaado.gm.so
Twitter: https://x.com/DegmadaCadaado

16/03/2026

Gudiga gurmadka abaaraha Reer xaaji saleeban oo baaq udiray ganacsatada,jaaliyada,shirkadaha isgaarsiinta, siyaasiyiinta iyo dhamaan muxsiniinta inay gargaar degdeg la soo gaaraan dadka ay abaartu sameysay.

14/03/2026

Gudiga gurmadka abaaraha Reer xaaji saleeban ayaa maanta deeq raashin gaarsiiyey 340 qoys oo danyar ah, sido kale deeqda raashinkaan ayaa iskugu jira bur, sonkor, iyo saliid.

Gudiga gurmadka abaaraha Reer xaaji saleeban ayaa saakay deeq raashin gaarsiiyey 340 qoys oo danyar ah oo ku nool degmad...
14/03/2026

Gudiga gurmadka abaaraha Reer xaaji saleeban ayaa saakay deeq raashin gaarsiiyey 340 qoys oo danyar ah oo ku nool degmada Cadaado .

Deeqdaan raashinkaa oo ka kooban bur, sonkor, saliid ayaa la gaarsiiyey dad danyar oo wax ay ku afuraan aan haysan.

Address

Madaxtooyada
Cadaado

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda hoose ee Degmada Cadaado posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Dowladda hoose ee Degmada Cadaado:

Share