24/03/2026
⚡ Kusoo Dhawaada Gedo Energy Power – Beled Xaawo ⚡
Macaamiisheena sharafta leh, waxaan idinla qaybsanaynaa talooyin muhiim ah oo ku saabsan badbaadadaada iyo mida qoyskaaga. Maadaama aan ku dhow nahay Xilligii Roobabka, fadlan aad u la soco qodobadan:
🌧️ Iska Ilaali Khatarta Korontada xilliga Roobka:
Ha isku tiirin tiirarka: Iska ilaali inaad ku tiirsato ama ag istaagto tiirarka korontada, gaar ahaan marka ay dhulka iyo hawaduba qoyan yihiin.
Fiiro gaar ah u yeelo fiilooyinka: Haddii aad aragto fiilo soo dhacday ama mid daloosha, ha u dhowaan, hana isku dayin inaad taabato. Isaga fogow oo degdeg noogu soo sheeg.
Gacmo qoyan marna ha ku taaban: Waligaa ha taaban qalabka korontada haddii gacmahaagu qoyan yihiin ama aad taagan tahay meel biyo leh, si aad isaga ilaaliso shoog (koronto qabasho) khatar ah.