03/05/2026
๐๐: Dhammaan Hayโadaha (MDAs), Saaxiibada Horumarinta iyo Gargaarka, Hayโadaha Qaramada Midoobay, INGOs iyo LNGOs
๐จ๐ท๐ฒ๐ฒ๐ฑ๐ผ: Codsi Degdeg ah โ Gurmadka Dadka ay Saameeyeen Fatahaadaha iyo Dabayluhu Degmada Buuhoodle.
๐๐๐๐ฑ๐บ๐ฎ๐ฟ ๐ซ๐ฎ๐ฎ๐น๐ฎ๐ฑ๐ฑ๐ฎ ๐ด๐๐๐ฑ:-
Roobab mahiigaan ah oo ay weheliyeen dabaylo xooggan iyo daadad, ayaa si baโan u saameeyey Degmada Buuhoodle ee gobolka Togdheer. Fatahaaduhu waxay si gaar ah u haleeleen deegaannada hoose iyo xeryaha barakacayaasha, taasoo keentay burbur ballaaran, barakac xooggan iyo khasaare naf iyo maalba leh. Bulshooyinka nugul waxay si degdeg ah ugu baahan yihiin gargaar biniโaadannimo oo naf-badbaadin ah.
Saameynta ka dhalatay dhacdadan waxaa ka mid ah dhimashada 2 qof iyo dhaawaca 25 kale, halka ku dhowaad 225 qoys ay noqdeen barakacayaal. Guryo badan ayaa dumay, waxayna qoysas badan waayeen hoy ay ku noolaadaan. Sidoo kale, waxaa si weyn u burburay kaabayaasha muhiimka ah sida iskuullada, masaajidda iyo adeegyada isgaarsiinta, halka nidaamyada WASH ay si xun u saameeyeen, taasoo kordhineysa khatarta cudurrada faafa sida shuban-biyoodka daran (AWD) iyo daacuunka.
Waddooyin iyo marinno muhiim ah ayaa sidoo kale goโay, taasoo si weyn u adkaysay isku socodka gargaarka degdegga ah, Qoysaska ay dhibaatadu saameysay waxay si degdeg ah ugu baahan yihiin hoy ku-meelgaar ah, adeegyo caafimaad iyo nadaafadeed, cunto degdeg ah, iyo dib u soo celinta adeegyada waxbarashada oo iyaguna burburay.
Sidaas darteed, iyadoo la tixgelinayo baaxadda iyo degdegga xaaladdan baniโaadannimo, waxaan ka codsaneynaa Hayโadaha Caalamiga, Saaxiibada Horumarinta iyo Gargaarka, Hayโadaha Qaramada Midoobay, INGOs iyo LNGOs in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladdan, isla markaana ay taageero degdeg ah oo naf-badbaadin ah gaarsiiyaan bulshada ay dhibaatadu saameysay ee Degmada Buuhoodle.
โ๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐โ
___________________
๐๐๐๐๐๐จ๐ ๐ ๐๐ฎ๐ฟ๐ณ๐ฎ๐ฎ๐ณ๐ถ๐ป๐๐ฎ & ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ ๐ฟ๐๐๐ฌ๐๐ฎ๐ฃ๐๐๐ ๐ฒ๐ฒ ๐ถ๐ ๐ฒ๐ ๐ ๐ฑ๐ ๐ฃ๐ฃ๐ ๐ฆ๐ ๐ฑ๐ฆ๐ ๐ R๐ช๐ ๐จ๐ธ๐ฎ ๐ฌ๐ ๐ ๐ฑ๐ ๐ ๐ธ๐ญ๐ณ๐ ๐ฌ๐ ๐ฒ๐จ๐จ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ธ๐จ๐ญ๐ช๐ ๐ฃ๐ ๐ถ๐ซ๐ ๐ฃ๐ ๐ถ๐ ๐ฐ๐ฎ๐ฎ๐ธ๐จ ๐ก๐ ๐ฑ๐จ.
๐๐บ๐ฎ๐ถ๐น: [email protected]
๐ณ๐ฎ๐ฐ๐ฒ๐ฏ๐ผ๐ผ๐ธ:
https://www.facebook.com/share/1CTBnCuWWu/
๐ง๐ถ๐ธ๐๐ผ๐ธ:
tiktok.com/
๐๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ:
https://mohadm.ne.so/