Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle

Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle, Library, Buuhoodle.

"Buuggan 'Muranka Xuduudaha' ee uu qoray qoraaga reer Jarmal ee Dr Markus Virgil Hoehne waxa uu si qotodheer u falanqayn...
16/08/2026

"Buuggan 'Muranka Xuduudaha' ee uu qoray qoraaga reer Jarmal ee Dr Markus Virgil Hoehne waxa uu si qotodheer u falanqaynayaa sooyaalka asaraartanka xuduudaha ee u dhexeeyay Soomaalilaan, Butlaan iyo dhaq-dhaqaaqyadii deegaanka ka hor dhismaha Dawladda waqooyibari, Soomaaliya. Qoraagu waxa uu iftiiminayaa siyaasadaha hirdamaya iyo colaadihii soo noqnoqday ee ay sababeen isdiiddooyinkaasi, sida dagaalkii Kalshaale iyo iska hor imaadyadii kala duwanaa ee deegaan ka ka dhacay kuwaas oo deegaanka u beddelay goob lamagalaay ah iyo sida oo kale sida deegaankani u noqday goob dagaal oo ay ku loollamaan askar kala taabacsan labada maamul iyo dadka deegaanka. Buuggani waa cilmibaadhis dhammaystiran oo dhan walba taabanaysa, laga soo bilaabo samaysankii xuduudahan oo dib ugu laabanaya xadkii duugoobay ee uu guumaystuhu dejiyay illaa Soomaalilaan oo goonni-ugoosad ka ku dhawaaqday 1991-dii bishii May, sida oo kale aasaaskii Butlaan illaa isku dayadii kala duwanaa ee ay dadka deegaanku ku samaysanayeen maamullo ka madax bannaan Butlaan iyo Soomaalillaan."

Buugga "MURANKA XUDUUDAHA"

Waxaa Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle soo gaadhay nuqulo ka mida Buugga "Halbeegyada Cilmi-Baadhista" oo uu qoray ustaa...
02/08/2026

Waxaa Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle soo gaadhay nuqulo ka mida Buugga "Halbeegyada Cilmi-Baadhista" oo uu qoray ustaad Abdirahman Ahmed G. Soofe Waxaan ustaadka uga mahadnaqaynaa ka qayb noqoshada olalaha lagu kobcinayo wacyiga iyo ogaalka bulshada isagoo waxbadan ku darsaday maktabadaha soomaalida.

26/04/2026

Habeen wanaagsan jaallayaal.
Waxaa Akhristayaasha sharafta leh lagu wargelinayaa in Maktabaddu xidhnaan doonto muddo kooban, cillad xagga korontada ah.

Address

Buuhoodle

Telephone

+252634971619

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maktabadda Akhriska Ee Buuhoodle:

Shortcuts

Share

Category