Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle

Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle Carwada Bandhigga Buugaagta Celiska ah ee Buuhoodle.

06/09/2024

Gudoomiyaha Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle, Caynaanshe Maxamuud Madadaal ayaa ka warbixiyay sannadihii kala dambeeyay ee uu Bandhiggu Buuhoodle ka qabsoomay.

Sawiraddii Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle ee caawa.
05/09/2024

Sawiraddii Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle ee caawa.

Galab wanaagsan saaxiibayaal. Hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khaatumo H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine ahaa maanta d...
05/09/2024

Galab wanaagsan saaxiibayaal.
Hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khaatumo H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine ahaa maanta daahfuray Carwada Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle kalkeedii saddexaad. Carwada ayaa u agaasiman gadidda iyo kala badallidda buugaagta; sidookale waxaa qayb ka ah bandhigga doodcilmiyeedyo iyo barnaamijyo waxtar uleh deegaanka.

05/09/2024

Wacan oo wanagasan waqti walba oo ad ku jirtaan saaxiibbayaal, farriintan gaabani waxa ay inooga timid bahda Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle, barnaamijku galabta illaa caawa ayuu inoosii socon doonaa sida bahda bandhigguba ay inoo sheegeen, waxaa bixi doonaa khudbado iyo dood cilmiyeedyo taaban doona dhammaan arrimaha bulshada. Waan idin sugaynaa dhammaantiin.

Dood cilmiyeedka 3aad.Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle, Ustaad Cabdicasiis Cali Cawil ayaa inoog...
04/09/2024

Dood cilmiyeedka 3aad.

Gudoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda Buuhoodle, Ustaad Cabdicasiis Cali Cawil ayaa inoogu casuuman doodcilmiyeedka 3aad. Gudoomiyuhu wuxuu faallayndoonaa mawduuca “Horumarinta Waxbarashada Deegaanka” oo uu kusoo bandhigi doono heer ahaan halka ay taagan tahay waxbarashada deegaanku, baahiyaha lagama maarmaanka ah in la helo si loo kobciyo tayada waxbarasho iyo sidii loosoo saari lahaa dhallinyaro ku hubaysan aqoon iyo xirfado.

Waa inoo habeenka Jimcaha ah.

Doodcilmiyeedka 2aad.Habeenka Jimcaha ah waxaa dood cilmiyeedka labaad inoogu qoran isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee ...
04/09/2024

Doodcilmiyeedka 2aad.

Habeenka Jimcaha ah waxaa dood cilmiyeedka labaad inoogu qoran isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Cayn, Dr Cabdalle Axmed Rawte iyo Agaasimaha guud ee Cusbitaalka wayn ee Buuhoodle Dr Ismaaciil Maxamed Baarri. Dood cilmiyeedkan waxaa siwayn loogu falkin doonaa isbadalka adeegyada caafimaad ee deegaanka shalay iyo maanta. Waxaa lasoo bandhigi doonaa baahiyaha caafimaad ee deegaanka aan wali ka taabogalin si loohelo ama loo daboolo baahiyahaas.

Kasoo qaybgal wanaagsan.

Habeen wanaagsan saaxiibayaal.Sidii aynu halkan iskula wadaagnay waxaa maalinka Khamiista ee 5ta bishan aan ku jirno qab...
03/09/2024

Habeen wanaagsan saaxiibayaal.

Sidii aynu halkan iskula wadaagnay waxaa maalinka Khamiista ee 5ta bishan aan ku jirno qabsoomi doona Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle kalkiisii 3aad. Carwada Bandhiggu maaha kaliya buug iibin se waxaa ku dhexjira barnaamijyo dhawr ah oo ay kamid yihiin; dood cilmiyeedyo ku saabsan waxbarashada deegaanka, la kulanka qoraaga, Islaamka iyo Aqoonta, caafimaadka deegaanka hadda iyo shalay iyo barnaamijka Caruurta.

Barnaamijka lakulanka qoraaga waxaa inoogu marti ah habeennimada Jimcaha Aqoonyahan Cabdikariim Maxye oo kamid ah maamulayaasha iyo bareyaasha deegaanka. Cabdikariim wuxuu Soomaaliyeey dhawr dhigane oo uu kamid yahay buugga Hage iyo buugga Siraha caqliyadda milyaneerka oo ay kala qoreen qoraaga Suuriyaaka ah ee Dr Yaasir Cabdikariim Bakaar iyo qoraaga Ameerikaanka ah ee T. Harv Eker. Sidookale waxaa barnaamijka marti inoogu ah Aqoonyahan, qoraa Cabdiraxmaan Axmed Garaad Soofe oo ah gudoomiyaha Amal Bank iyo qoraaga buugga Tilmaamaha ardayga guulaystay, oo ah dhigane siwayn uturxaan bixinaya tabaha iyo xeeladaha laga rabo ardayga doonaya inuu guulaysto.

Labo haldoor oo waayayn baa habeenkaa madasha inoogu casuuman, ee nagalasoo qaybgal.

03/09/2024

Qayb kamida bahda hawlwadeennada Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle ayaa inooga warramaya bandhiggan goortuu soo bilaabmay, Buuhoodle oo sannadkan diyaar u ah in ay qabato kalkiisii saddexaad iyo xog muhima oo ku saabsan bandhiggan.

Bandhiggu waxa uu ka qabsoomi doonaa hoolka shirarka iyo xafladaha ee hoteel Rays. Dhammaan bulshoweynta ku nool Buuhoodle iyo cid walba oo iman karta bahda bandhiggu waxa ay ku casuumayaan kasoo qaybgalka bandhigga.

Hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khaatumo H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine ayaa madaxtooyada ku qaabilay hawlwadeennad...
01/09/2024

Hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khaatumo H.E Mohamed Abdi Ismail - Shiine ayaa madaxtooyada ku qaabilay hawlwadeennada qabanqaabinaya Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle, oo dhacaya 05-09-2024.

Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyay dhallinyarada dadaalka wax akhris ee ay galinayaan bulshada si loo helo jiil ku hubaysan aqoon tayo leh. Hoggaamiyaha ayaa farriintiisa bogaadinta iyo dhiirigalinta qabashada Bandhigga lawadaagay hawlwadeennada. Aadbuu umahadsanyahay Madaxwaynuhu.

Habeen wanaagsan saaxiibbayaal, sidii aan horay usoo shaacinay waxaan 24kii bishan 8aad bilownay qabashada buugta laguso...
30/08/2024

Habeen wanaagsan saaxiibbayaal, sidii aan horay usoo shaacinay waxaan 24kii bishan 8aad bilownay qabashada buugta lagusoo bandhigi doono Bandhigga Buugaagta Celiska ah ee Buuhoodle oo kalkii saddexaad Buuhoodle ka qabsoomaysa, buugtan waa qayb kamida buugta nasoo gaadhay.

Xildhibaan Cabdikariim Dayr Cabdi oo kamid ah Golaha Baarlamanka SSC-Khaatumo, ayaa hambalyo iyo bogaadin la wadaagay ha...
28/08/2024

Xildhibaan Cabdikariim Dayr Cabdi oo kamid ah Golaha Baarlamanka SSC-Khaatumo, ayaa hambalyo iyo bogaadin la wadaagay halwadeennada bandhigga. Sidoo kale xildhibaanku wuxuu boorriyay in sannadkasta laqabto bandhigga si dhallinyaradu uhelaan kanshadan oo kale gu’ kasta. aadbuu umahadsanyahay xildhibaanku.

Address

Buuhoodle

Telephone

+252634970629

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bandhigga Buugaagta Celiska ee Buuhoodle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category