15/06/2026
Tababarayaal ay hay'adda PSA tababartay (TOTs) ayaa gaarsiiyay kulamo Trauma Healing ah 1,050 qof oo ku nool Gaalkacyo, Galdogob, Xarfo, Bursaalax, Towfiiq, Bali Busle iyo Sheerbi. Kulamadu waxay diiradda saareen fahamka dhaawacyada maskaxda ee ka dhasha colaadaha, sida loo aqoonsado calaamadahooda, iyo qaababka lagu garab istaagi karo dadka ay saameeyeen.
Intii ay kulamadu socdeen, ka qaybgalayaashu waxay heleen fursad ay si furan uga hadlaan waayo-aragnimadooda, ugana qayb qaataan fadhiyo bogsasho iyo is-dhageysi ah. Bulshooyinka ayaa si weyn usoo dhaweeyay kulamadan, kuwaas oo sare u qaaday fahamka dhaawacyada maskaxda isla markaana xoojiyay bogsashada iyo adkeysiga bulshada.
-----------------
Through a Training of Trainers (ToT) approach, facilitators trained by PSA delivered Trauma Healing Sessions to 1,050 community members across Galkayo, Galdogob, Xarfo, Bursaalax, Towfiiq, Bali Busle, and Sheerbi. The sessions focused on understanding trauma, recognizing its signs, supporting affected individuals, and creating safe spaces where participants could reflect on their experiences and discuss pathways toward healing.
Communities welcomed the initiative and highlighted the value of increasing awareness of conflict-related trauma and mental health challenges. Beyond knowledge sharing, the sessions helped strengthen community resilience and reinforced the importance of healing as part of sustainable peacebuilding.
Somalia Stability Fund UK in Somalia