04/01/2026
Iskuulka Gumbax Primary and Secondary School ee degmada Gumbax ayaa saaka oo ah maalin Axad si rasmi ah loogu fariistay imtixaanka Middle Term-ka ee sanad dugsiyeedka.
Furitaanka imtixaanka waxaa ka hadlay Maamulaha Iskuulka, Mudane C/qaadir Maxamed Axmed, oo faahfaahin ka bixiyey muhiimadda imtixaankan, isaga oo sheegay in uu yahay mid lagu qiimeeyo heerka waxbarasho ee ardayda laguna ogaanayo fahamka ay ka heleen casharradii h**e.
Maamuluhu sidoo kale wuxuu xusay in maamulka iskuulka ay diyaariyeen dhammaan agabkii iyo nidaamkii lagama maarmaanka ahaa, si imtixaanku ugu dhaco si hufan, cadaalad ah, isla markaana ardaydu ugu galaan jawi degan.
Ugu dambayn, maamulaha ayaa ardayda kula dardaarmay in ay muujiyaan dadaal, anshax iyo feejignaan, isagoo u rajeeyey guul iyo nasiib wacan dhammaan ardayda u fariisatay imtixaanka.