20/05/2026
Garoowe: 20 May 2026: Xafiiska Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ee caasimadda Garoowe ayaa si casri ah loo qalabeeyey, iyadoo lagu rakibay agab iyo qalab muhiim u ah horumarinta shaqada iyo adeegyada wasaaradda.
Dhismahan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlaha maamulka, kor u qaadista ilaalinta khayraadka badda, iyo dardargelinta adeegyada la xiriira kalluumaysiga. Sidoo kale, waxa uu fududaynayaa wada shaqaynta shaqaalaha iyo adeegyada loo fidinayo bulshada iyo ganacsatada ka shaqeeya kalluumaysiga.
Qalabaynta xafiiskan cusub waxay ka tarjumaysaa dadaalka Dowladda Puntland ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dowliga ah iyo tayeynta adeegyada Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda.
-XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA WASAARADDA KALLUUMAYSIGA IYO KHAYRAADKA BADDA DOWLADDA PUNTLAND-