Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso

Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso This is the official page of Bosaso municipality. Kani waa page-ka rasmiga ah ee Dowladda hoose ee Degmada Boosaaso.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta dowladda puntland ahna duqa degmada bosaso Hon. Abdiqani Ahmed Ismael (deeradil...
09/10/2021

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorshaynta dowladda puntland ahna duqa degmada bosaso Hon. Abdiqani Ahmed Ismael (deeradile) iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda arimaha gudaha puntland Maxamed musadiq maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa caawa soo kormeeray mashruuca nalaynta magaalada bosaso oo wajigii 3aad lasoo gabagabeeyey.
Mashruuca nalaynta bosaso ayaa ah mid looga gol leeyahay soo celinta bilicda iyo kor u qaadista amniga magaalada bosaaso waxaana dhinac socda mashaariic ay ka mid yihiin dhiraynta iyo nadaafadda oo qayb weyn ka qaadanaya bilicda magaalada bosaso waxana fulinaysa dowladda hoose ee degmada bosaso.

Waaxda arimaha bulashada dowladda hoose ee degmada bosaso ayaa kormeer ku samaysay afarta xaafadood ee ay ka kooban taha...
07/10/2021

Waaxda arimaha bulashada dowladda hoose ee degmada bosaso ayaa kormeer ku samaysay afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay magaalada bosaso.
Ujeedka kormeerka ayaa ahaa sidii loogu kuur geli lahaa shaqooyinka maalin-laha ah ee ka socda xaafadaha magaalada iyo adeegyada kala duwan ee ay bixiyaan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta dowladda puntland ahna duqa degmada bosaso Hon. Abdiqani Ahmed Ismael (Deeradil...
06/10/2021

Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta dowladda puntland ahna duqa degmada bosaso Hon. Abdiqani Ahmed Ismael (Deeradile) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminayey madaxa haayadda OCHA ee puntland iyo madax ka socotay haayadda UNCHR, waxana ay ka wada hadleen xaaladaha bini adaaninimo ee magaalada bosaso iyo isku xirka haayadaha caalamiga iyo dowladda hoose ee degmada bosaso.

05/10/2021

Dowladda hoose ee degamada bosaso ayaa shaqo dayactir iyo ballaarin ah ka wada laamiga weyn ee dhex mara magaalada bosaso inta u dhexaysa banorama iyo FB gas oo bur bur xoogani ka muuqday.
Agaasimaha waaxda hawlaha guud ee dowladda hoose mudane maxamed jaamac oo kormeer ku tegay meelaha dayactirka laga wado ayaa ka fariimo kala duwan u diray bulshada reer bosaso, shirkadaha ganacsiga ee kala duwan iyo dareewalada gaadiidka ee isticmaala wadada halbowlaha u ah magaalada bosaso.

Gudoomiyaha Xaafada Buurcad Bosaso Mudane Maxamud Axmed Samatar ayaa kulan la qaatay qaarka mida Nabadonada iyo Odayasha...
02/10/2021

Gudoomiyaha Xaafada Buurcad Bosaso Mudane Maxamud Axmed Samatar ayaa kulan la qaatay qaarka mida Nabadonada iyo Odayasha Xaafada waxayna ka wada hadleen sidii looga wada shaqayn lahaa arimaha bulshada sida amniga, nadaafadda, dhireynta iyo bilicda wadooyinka.

WARGELIN MUHIIM AHWargelin ku socota dhamaan shirkadaha dhismaha waddooyinka, guryaha iyo kuwa riigagga biyaha.Waxaa lag...
30/09/2021

WARGELIN MUHIIM AH
Wargelin ku socota dhamaan shirkadaha dhismaha waddooyinka, guryaha iyo kuwa riigagga biyaha.
Waxaa lagu wargelinayaa shirkadaha kor ku xusan in ay iska diiwaan geliyaan xafiiska waaxda qorshaynta dowladda hoose ee degmada Bosaso ayna qaataan diiwaan gelinta sanadka maadaama uu shatiga/diiwaan gelintu kawada dhacsanyahay.
Shirkadaha aan is diiwaan gelinta qaadani waxa ay ka harayaan qandaraasyada ay dowladda hoose ee degmada bosaso bixiso iyadoo la eegayo profile-ka company-ga in uu diiwaan gashan yahay iyo in kale.

Wixii faah-faahin ah kalasoo xiriir xafiiska waaxda qorshaynta dowladda hoose ee degmada bosaso.

Gudoomiyaha Xaafada Buur-cad Bosaso Mudane Maxamuud Axmed Samatar oo bilihii u dameeyey dardar gelin shaqo iyo kulamo is...
23/09/2021

Gudoomiyaha Xaafada Buur-cad Bosaso Mudane Maxamuud Axmed Samatar oo bilihii u dameeyey dardar gelin shaqo iyo kulamo is daba jooga ka wadey xaafada buurcad ayaa la kulmay saldhigyada iyo guddiyada xaafada Buurcad si loosii amba-qaado hawlaha shaqo iyo adeegyada Bulsho ee xaafadda buurcad

Gudoomiyaha Xaafada Buur-cad mudane Maxamuud Axmed Samatar Oo dhir ku wareejiyay gudiyada xaafada iyo qaar ka mida bulsh...
12/09/2021

Gudoomiyaha Xaafada Buur-cad mudane Maxamuud Axmed Samatar Oo dhir ku wareejiyay gudiyada xaafada iyo qaar ka mida bulshada xaafada Buurcad
Gudomiyaha ayaa sheegay inay kula xisaabtamayaan cid walba oo lasiiyey dhirta.

Kulan looga hadlayey isku xirka adeeg bixinta heer degmo oo ay soo qaban qaabisay dowladda hoose ee degmada bosaso oo ka...
06/09/2021

Kulan looga hadlayey isku xirka adeeg bixinta heer degmo oo ay soo qaban qaabisay dowladda hoose ee degmada bosaso oo kaashaynaysa wasaaradda arimaha gudaha iyo dimuqraadiyeynta puntland iyo UNICEF/JPLG ayaa maanta ka qabsoomay hoolka dowladda hoose ee magaalada bosaso.
Kulanka waxaa ka qayb galay gudoomiye ku xigeenka magaalada bosaso, ku xigeenka gobolka bari, saraakiil ka socotay wasaaradda arimaha gudaha puntland, isuduwayaasha wasaaradaha ee heer gobol iyo madax ka socotay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawl gala magaalada bosaso.
Kulanka ayaa lagu lafa guray waxyaabihii uga qabsoomay magaalada bosaso iyo qorshayaasha u baahan in la dhamaystiro.

Gudoomiyaha xaafadda buurcad bosaso mudane Maxamuud Axmed Samatar ayaa kulan is xog waraysi ah la yeeshay gudiyada iyo s...
02/09/2021

Gudoomiyaha xaafadda buurcad bosaso mudane Maxamuud Axmed Samatar ayaa kulan is xog waraysi ah la yeeshay gudiyada iyo saldhigyada xaafadda buurcad.

Dowladda Hoose ee magaalada bosaso ayaa olole nadaafadeed oo ballaaran ka samaysay wadada weyn ee hal-bowlaha u ah magaa...
14/08/2021

Dowladda Hoose ee magaalada bosaso ayaa olole nadaafadeed oo ballaaran ka samaysay wadada weyn ee hal-bowlaha u ah magaalada bosaso.

12/08/2021

Dowladda hoose ee magaalada bosaso iyo hay`adda fair fishing ayaa si wadajir ah olole nadaafadeed uga fuliyey suuqa kalluunka ee magaalada bosaso

Address

Wadada Gaaca, Bosaso
Bosaso
00252

Opening Hours

Monday 06:00 - 14:00
Tuesday 06:00 - 14:00
Wednesday 06:00 - 14:00
Thursday 06:00 - 14:00
Saturday 06:00 - 14:00
Sunday 06:00 - 14:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share