31/01/2026
MAHADCELIN .
Billadsoor Social Awards waxay mahad ballaaran iyo qaddarin sare u diraysaa EAUH Hospital Bosaso (Isbitaalka Jaamacadda Bariga Afrika) oo si sharaf leh u aqbalay inay qayb ka noqdaan Tartanka Kubadda Iskuulada Magaalada Boosaaso (Bosaso School Cup 2026).
Isbitaalka EAUH wuxuu muujiyey masuuliyad bulsho, taageero dhalinyaro iyo daryeelka badqabka ardayda, taas oo ka tarjumaysa kaalinta weyn ee ay kaga jiraan horumarinta bulshada. Waxaan ku faraxsanahay iskaashigan qiimaha badan, waxaana rajaynaynaa wada-shaqayn miro dhal ah.
🟥 FIIRRO GAAR AH – ARDAYDA TARTAMAYSA 🟥
Dhammaan ardayda ka qaybgelaysa tartanka Bosaso School Cup 2026, waxaan si gaar ah idiin xusuusinaynaa in:
⚽ Tartankani ujeeddadiisu ma aha xoog iyo dhaawac,
⚽ ee uu yahay madal lagu soo bandhigayo xirfad, hibo iyo ciyaar wanaag (fair play).
🚫 Waa mamnuuc:
In ciyaaryahan uu si kas ah u waxyeelleeyo ciyaaryahan kale
In la sameeyo ciyaar rabshad ku dhisan ama anshax xumo
✅ Waxaa la dhiirrigelinayaa:
Ixtiraamka ciyaartoyda kale
La-dhaqanka shuruucda ciyaarta
Isboorti iyo akhlaaq wanaag
Badqabka ardayda waa mudnaanta koowaad, waxaana lala socon doonaa anshaxa ciyaarta inta tartanku socdo.