NEDYO

NEDYO Noobir Environment & Development Youth Organization.

Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan dhalinyar...
15/05/2026

Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan munaasabadda qiimaha leh ee xuska Somali Youth League (SYL).
Maalintan muhiimka ah waxay astaan u tahay halgankii, geesinimadii, iyo midnimadii ay muujiyeen dhalinyaradii SYL, kuwaas oo horseed u noqday xorriyadda iyo jiritaanka qarannimada Soomaaliyeed. Waa maalin lagu xusuusto kaalinta ay dhalinyaradu ku leeyihiin dhismaha iyo horumarka dalka.

Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha ...
27/04/2026

Ururka NEDYO (Noobir Environment & Development Youth Organization) waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Guddoomiyaha cusub ee ardayda Jaamacadda CityCOT, Mudane Abdisamed Siciid Salah, oo loo doortay xilkan muhiimka ah.

Waxaan u rajaynaynaa guul, hoggaan hufan, iyo in uu si daacadnimo iyo karti leh ugu adeego ardayda uu matalayo. Waxaan kalsooni ku qabnaa in uu kaalin muuqata ka qaadan doono horumarinta waxbarashada iyo mideynta ardayda.

Hambalyo mar kale, guul iyo gobannimo!

29/03/2026

Halkani waa Gorofkii xiriirood oo buuxsamay eeboow mahadaa
Dr Yaxye Siciid Axmed ayaa ka warbixinaya

11/03/2026

Feere Cabdullaahi, ayaa ka warbixiyay dib-u-hagaajinta ceel biyoodka Dhariinin, isagoo sheegay in ceelkan uu yahay ceel biyo macaan leh balse uu leeyahay waddo aad u xun. Wuxuu xusay in howlaha dayactirka iyo hagaajinta lagu wado isku-tashi iyo isku-tiirsanaan bulsho, si dadka deegaanka ay si fudud ugu helaan biyaha. 💧

24/02/2026

odayaasha Dhaqanka Deegaanka xiriiro ayaa kahadalay hakad kuyimi Dhismihii ceelbiyoodka oo istaagay

 :- Ururka Nedyo Ayaa dayactir ku sameeyay waddada Ceelka(Dhariinin), oo ah ceel biyood ay bulshadu ku tiirsan tahay Wad...
28/01/2026

:- Ururka Nedyo Ayaa dayactir ku sameeyay waddada Ceelka(Dhariinin), oo ah ceel biyood ay bulshadu ku tiirsan tahay Waddadan ayaa muhiim u ah isu-socodka dadka ka imanaya xaafadaha kala duwan, gaar ahaan gawaarida dhaansha biyaha.

Abdihakin Moh'ed Mire 📸

26/01/2026

URURKA NEDYO oo dayactir ku sameeyay waddada Ceelka(Dhariin), oo ah ceel biyood ay bulshadu ku tiirsan tahay
Ururka NEDYO ayaa dayactir ku sameeyay waddada Ceelka Dhariinin, taas oo ah ceel biyood muhiim ah oo ay bulshadu si weyn ugu tiirsan tahay. Waddadan ayaa muhiim u ah isu-socodka dadka ka imanaya xaafadaha kala duwan, gaar ahaan gawaarida dhaansha biyaha

Ururka NEDYO ayaa xiriiro ka fuliyay layraynta magaalada, kuwaas oo lagu xoojiyay wacyigelin iyo iskaashi la xiriira hor...
22/01/2026

Ururka NEDYO ayaa xiriiro ka fuliyay layraynta magaalada, kuwaas oo lagu xoojiyay wacyigelin iyo iskaashi la xiriira horumarinta bilicda iyo badbaadada magaalada. Barnaamijkan ayaa ujeeddadiisu ahayd in kor loo qaado iftiiminta waddooyinka iyo goobaha muhiimka ah,

12/01/2026

Sheikh Cabdullaahi Cabdirisaaq oo Baaq U Diray Bulshada Deegaanka Xiriiro*

Sheikh *Cabdullaahi Cabdirisaaq* ayaa ugu baaqay bulshada deegaanka *Xiriiro* inay si firfircoon uga qeyb qaataan dadaallada lagu *iftiiminayo magaalada*, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in bulshadu door muuqda ka qaadato horumarinta bilicda iyo amniga deegaanka.

Wuxuu tilmaamay in iftiinka magaaladu uu yahay astaan nabadeed, nolol iyo horumar, loona baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo hirgelinta mashruuca.

*“Horumarka magaalada wuxuu ka bilaabmaa in aynu iftiinka shidno,”* ayuu yiri Sheikh Cabdullaahi.

30/12/2025

Xildhibaan Ruke Hujaale: Boholaha Waa Khatar Ku Sii Fidaysa Deegaannada Puntland”gaari ahaan degmada iskushuban iyo deegamada ku hareeraysan

30/12/2025

Xil. abduqafar kalaankal Boholuhu Waa Halista Ugu Weyn ee Deegaanka”

Address

Eastleigh
Bosaso
01000

Opening Hours

Monday 07:00 - 23:00
Tuesday 07:00 - 23:00
Wednesday 07:00 - 23:00
Thursday 07:00 - 23:00
Saturday 07:00 - 23:00
Sunday 07:00 - 23:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when NEDYO posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share