03/05/2026
𝗕𝗢𝗚𝗔𝗔𝗗𝗜𝗡 𝗜𝗬𝗢 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗𝗖𝗘𝗟𝗜𝗡.
Bosaaso, caawa waxaa u qorantay taariikh ku suntan horumar iyo guul aan la ilaawi karin, waana dhacdo cajiib ah oo si rasmi ah ugu qormaysa taariikhda magaalada Boosaaso.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo mudnaan gaar ah siiyey hirgelinta iyo dhammeystirka garoonka kubadda cagta Shuhadada ee magaalada Boosaaso, kaas oo caawa si rasmi ah loo daahfuray, isla markaana noqday guul weyn oo u soo hoyatay bulshada degmada.
Sidoo kale, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha garoonkan, laga bilaabo hay’adaha dowladda, farsamayaqaannada, ilaa bulshada gacanta ka geysatay hirgelintiisa sidoo kale Waxaan si wayn ugu mahadcelinayaa walalaheena Imaaradka Carabta oo naga taageeray mashruuca dhismaha garoonka. si gaar ah waxaan u bogaadinayaa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Xiriirka Kubadda Cagta Puntland iyo bahda ciyaaraha oo door muuqda ku lahaa xaqiijinta himiladan muhiimka ah iyo qabashada koobka caasimaddaha Puntland oo la daahfuray.
Waxaan sidoo kale ammaan iyo mahadnaq u dirayaa ciidamada amniga ee suurtageliyey nabadda iyo xasilloonida lagu qabtay munaasabaddan qiimaha leh, annagoo u ducaynayna shuhadadii naftooda u huray difaaca dalka, kuwaas oo horseed u noqday in maanta lagu damaashaado guushan.
Degmada Boosaaso waxay si weyn ugu faraxsan tahay furitaanka garoonkan oo ah mid kor u qaadaya horumarka ciyaaraha, dhiirrigelinayana dhalinyarada, isla markaana ka qayb qaadanaya bilicda iyo sumcadda magaalada.
Ugu dambayn, waxaan bogaadin ballaaran u dirayaa dhammaan bulshada Boosaaso oo si heer sare ah uga qayb qaatay munaasabaddan, ciidamada amaanka,bahda warbaahinta, fanaaniinta iyo cidkata oo doorkeeda qaadatay intii ay socotay dhacdadan cajiibka ah.