01/07/2024
Waxyaalaha dadkeennu sida joogtada ah u isticmaalo waxaa ka mid ah kaniinka paracetamol, ama panadol, ee inta badan dadkeennu u qaato madax xanuunka iwm. Haddaba ma ogtahay khatarta caafimaad ee laga dhaxlo kaniinkaan?
Kaniinkaan haddii aad si joogta ah u qaadatid waxa uu kuu keeni karaa khatar dhanka beerka ah, waxaa na dhici karta in uu beerkaaga galaafto.
Warbixin la sameeyey ayaa tilmaamaysa, in dadka beerkoodu dhaawacmay sababo la xariira kaniinkaan in dhimashadoodu gaarsiisan tahay 30%, haddii aysan helin beerkale oo aan laga bedelin beerka.
Bukaano badan ayaan aragnay oo beerkoodu dhaawac yahay, sababtuna ay tahay isticmaalka kaniinkaan, iyaga oo farmashiga ka qaata, kadibna intii ay rabaan qaata. Haddii aad kaniinigaan qaadatid, 3g ka badan ha qaadan maalintii, sidoo kale haddii aad waqti dheer qaadan jirtay dhakhtar la tasho.